Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Waddani Hamse Khayre ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay Astaanta Cusub ee Xisbiga waddani.
Maalmo uun baa ka soo wareegey markuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey Xisbiga waddani inay isticmaalaan Midabka Dadka haysta Buudiiska, iyo dharka loo xidho Maxaabiista ISS iyo Maxaabiista Guantanamo Bay, gudoomiye Cirro ku tilmaamay Dilemma.
Astaanta Cusub ee Xisbiga waddani ayaa lagu soo kordhiyey Qacmihii Wadajirka ee lagu yaqaanay Xisbiga Kulmiye
lama garanayo Sababta uu Xisbiga waddani uu Hadda u badalay Astaantiisa kadib hadalkii gudoomiye Faysal.