Somaliland: Wasiirka Dhaqanka “Xubno aanu isku reer nahay oo WADDANI ah ayaa hungureeyay xukuumadda markii ay maqleen inaan salluugay……”

Wasiirka  cusub ee   Wasaaradda   dhaqanka iyo  dalxiiiska Jamhuuriyadda  Somaliland,   Khadar  Xaaji Yuusuf,  ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay siyaasiga  Ismaaciil  Hurre  Buubaa  oo  naqdiyay isku shaandhayntii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumadiisa.

Wasiirka   oo maanta  magaaladda Hargaysa kula hadlay  warbaahinta  waxa  uu sheegay  in   siyaasiga  Ismaaciil   Buubaa   dhawr iyo labaatan  sanno uu ku hawlanaa burburinta qaranimada Somaliland, isla markaana uu imika  shaadh kale u soo huwaday shacabka Somaliland.

“Ismaaciil Buubaa,  waxa uu dhaliil ka dhigayay   wasaaradda  cusub  ee   madaxweynaha ii magacaabay,  iyadoo ay doorashadii dhowdahay in uu ku dhawaaqay. waxaanan   leeyahay   Ismaaciil   Buubaa    dhawr iyo labaatan sanno ayaad wadankan  dilaal ka ahayd   oo aad magacoooda iyo  sharaftooda  aad iibsanaysay  iyo sidii loo burburin lahaa Somaliland aad ka shaqaynaysay,   imikana adiga  oo shaadh kale huwan   ayaad halkan la joogtaa,”ayuu yidhi Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

 

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray   “Wasaaraddu haddii ay cusub tahay bil keliyana xukuumadda ha  u hadhee miyaanad ogayn in xukuumadda ka dambaysaa   ay halkaa ka sii wadayso shaqada wasaaradda”

Geesta  kale Wasiirku waxa     uu usheegay   in siyaasiyiin ka tirsan xisbiga  WADDANI oo   ay isku jufo yihiin  ay hun gureeyeen xilka loo magacaabay. Waxaanu  xubnahaasi u soo jeediyay in ay daacad u noqdaan xisbiga ay ka tirsan yihiin ee WADDANI.waxaannu yidhi  “Markii la soo geliyay suuqa  in aan iska casilay xilkii la ii magacaabay iyadoo aanay    waxba ka  jirin arrintaas, waxaanay ahayd saluug,      waxaanan ogaaday oo aan ka faa’iiday, wax  badan oo ku saabsan xisbiga  WADDANI   iyo dadka  aanu   isku reerka    nahay ee  ku  jira       xisbigaasi,     oo markiiba  xagga xukuumadda  u soo yaacay,  markii ay maqleen wuu is-casilay. Waxaanan  kula  talin  lahaa siyaasiyiintaasi   in ay daacad u noqdaan kolba xisbiga ay joogaan ama KULMIYE  ha  noqdo ama WADDANI.”

Comments

comments