Deg Deg: Xukuumadda Siilaanyo Oo Imika Ka Hadashay Arrimaha Saldhigga Muqdisho Ee Turkiga Iyo Dagaalo Laga Cabsi Qabo Inay Abuurmaan

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay il gaar ah ku eegayaan saldhigga Milatari ee dhawaan dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay doonayaan in mar walbo ay la socdaan dhaq dhaqaaqa saldhiggaasi.
Wuxuu sheegay in cid walbo ay xaq u leedahay inay u yeedhato cidda ay taageerada ka heleyso, sameysatana waxa ay dhaqaale ku heleyso, balse muhiim ay tahay iney la socdaan dhaq dhaqaaqa saldhiggan.

“Iswaydiinta ugu wayni waxay tahay Soomaaliya ma inay dalkooda ku aslaaxiyaan oo ay nabadgelyadooda ku dhistaan ayay u samaysteen saldhigan, mise Somaliland ayay u hub urursanayaan. Sidaas awgeed, innagoo aan cidna cadaw ku ahayn haddana is dhigan mayno oo waxa qayrkeen haysto waa in aynu helnaa. Soomaaliya iyaga duco kama filayno innagoo aan xumaan la doonayn ayaynaan haddana faro madhnaanayn oo dhismaha ciidankeenna oo meel fiican marayana waan sii xoojinaynaa, saldhiga Millatari ee Berberana hawshiisa degdeg ayaan u gudo gelayna,”ayuu yidhi wasiirka.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay xarigga uga jartay saldhig Milatari oo ay ka furteen Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

Comments

comments