Somaliland: Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

Date:

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa aqbashay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxay ogolaatay inay Fiisayaasha dalku galka saarto Baasaboorka Somaliland.

Warar xog-ogaal ah oo Wargeyska Somalilandtoday helay waxay dawladda Imaraadka Carabtu bilaabeysaa Fiisaynta Baasaboorka Somaliland waxaanu mari doonaa marka hore Saddex marxaladood, waxaana lagu bilaabi doona  nooca loogu tallo galay diblumaasiyiinta,  sidoo kale ganacsata ayaa iyana loo fiisayn doona Baasaboorka Somaliland.

Talaabada Saddexaad ayaa ah in si dhamaystiran guud ahaan Baasaboorka Somaliland loo saari doono fiisaha dalka ee Imaaraadka Carabta.

Arrintan waxaa ka wada shaqeeyay Dawladda Imaraadka Carabta iyo Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai oo toddobaadkii afar duulimaad ku timaadda Caasimadda Hargaysa. Arrintani waxay sumcad weyn u tahay siyaasiyan waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday in aan dalkeeda lagu soo gali karin fiisana aanay saarayn Baasaboorka dalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in aanay gacanta ku haynin dawlad la aamini karo, laakiin talaabada dawladda Imaaraadka Carabtu ku ogolaatay in dalkeeda lagu gelo Baasaaboorka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxwaynaha Somaliland uu Safiir u Magacaabay Imaaraadka Carabta.

Somaliland Today

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...