Goor Galab Ah Ayaanu Soo Ogaanay Dhawr Meelood Oo Lagu Kaydsaday Raashin Laga Dhacay Dadka Masaakiinta Ah Ee Abaartu Haleeshay,Ciidan Ayaanu Ka Xakaysan,Waxaanu Dul Tagnay Bakhaar Maayarku Ku Qufushay”.
Laba Xildhibaan ayaa eedayntii ugu cuslayd u soo jeediyay Maayarka Golaha Deegaanka Degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag Faarax Aadan Ciise,waxa ay ku eedeeyeen inuu lunsaday oo uu Guryo ku urursaday Raashinkii yaraa ee loogu dhiibay inuu u qaybiyo dadka Abaaruhu taabteen ee deegaanka Gar-Adag,waxa ay ka sheekeeyeen qiso xannuun badan oo qof kasta oo bini-aadam ah taabanaysa,iyagoo ka sheekeeyay sida ay ku ogaadeen iyo sida ay markii dambe awood ugu waayeen inay sharciga mariyaan iyagoo sheegay inuu maayarku xidhiidh dhaw la leeyahay Badhasaabks Gobolka Sanaag,Islamarkaana uu hore falkan oo kale u soo galay oo uu shan boqol oo kiish masaakiin abaaraysan ka cunay sanadkii 2013-kii.
Labadan Xildhibaan oo la soo xidhiidhay Wargeyska Foore Xalay ayaa Waxa ugu horayn hadalka ku horeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xayir oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gar Adag,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan u soo gudbinayaa Wargeyska Foore qiso ka dhacday Gar-adag oo ku saabsan Xoolihii Abaaraha ee masaakiinta oo la dhacay,Goor galab ah ayaanu soo ogaanay dhawr meelood oo lagu kaydsaday Raashin laga dhacay dadka Abaaraha,Aniga iyo Xildhibaan Aadan Xaaji Cali Ismaaciil Waxaanu u nimid taliyaha Saldhiga degmada,Waxaanu u sheegnay inuu arinkaasi jiro,in lanagu daro askar si loo soo qabto,Taliyuhu waxa uu nagu yidhi Qoraal ii keena,oo aad ku dalbanaysaan inaan askar idinku daro,qoraalkii markaanu u keenay,Wuu gabaday oo waxa uu nagu yidhi Taliyaha Qaybta idinku la hadla,Taliyihii Qaybtu isna Badhasaabka ayuu noo diray,Markaa waanu la hadalnay badhasaabka oo waxa uu nagu yidhi Taliyaha Saldhiga iigu geeya Telefanka,waxa uu amray taliyaha saldhiga in maayar loo tago oo Bakhaarkaasi la furo”.
Waxa kale oo uu yidhi“Taliyihii Saldhigu waxa uu u tagay Maayarka,anaguna Bakhaarkii Alaabtu taalay ayaanu sii hor taaganahay,Taliyihii Waxa uu nagu soo celiyay,Maayarkii waa uu diiday in Bakhaarkii lafuro,waxaanu ii sheegay inay Sodon kartoon oo saliid ahi u taalo,anaga halkaaasi markay maraysay wax kale oo aannu samaynaa majirto,Maayarku mudaba hawshan wuu waday,Horena kiisa ayaanu ugu soo oognay,Shan boqol oo kiish ayaa ku cadaaday sanadkii 2013-kii,waa qof caadaystay oo Xoolaha umadda danyarta cuna,sidoo kale Kalfadhiyadii sharciga ahaa wuu diidan yahay in la fadhiisto,labadii todobaad ee aynu soo dhaafnay waxa uu diiday inuu Golaha Fadhi u qabto,sidoo kale Xoghayihii Fulinta ee Degmada uu eryay isna, xafiiskii ayuu ka xidhay,sanadba Xafiisku wuu ka xidhan yahay oo waa dibad joog,sababta uu ku eryayna waxa weeyi aan sharciga ku dhaqano”.
Dhinaca Xildhibaan Aadan Xaji Axmed Ismaciil ayaa isaguna waxa uu yidhi “Garabka ugu badan Maayarku waxa uu ka haystaa Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay,markaa ninkaasi badhasaabka ayuu ka haystaa hiil,Mar hore oo sidan oo kale dhacday ayaan badhasaabka u tagay Waxaan hayaa Codkiisii oo duuban,waxa uu iigu yidhi,hadaad ka dhex bixi waydo arintaasi waan ku xidhayaa, Waa badhasaabka ninka sidaasi ilihi,Waxa uu ii raaciyay hadii aad dacwadaasi joojin waydo waan ku xidhayaa,Markaa maayarka iyo badhasaabku musuq maasuqa xoolaha Masaakiinta ayay wada cunaan oo ay heshiis ku yihiin,Waxa kale oo hawsha kula jira Xildhibaano uu kooramka ku ilaashaddo oo Shan xildhibaan ah oo ka tirsan Golahayaga”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Maayarka oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay si aanu dhinaciisa wax uga ogaano eedaynta loo soo jeediyay ayaanay nasiib daro noo suurtagalin kadib markii uu naga qaban waayay Telefankiisa gacanta oo aanu dhawr jeer Garaacnay.