Somaliland: Laba Muddane Oo Si Culus Ugu Hirdami Doona Booska Gudoomiyaha Wakiiladda,Xukuumadda Iyo Kulmiye Oo Gudoomiye Baashe Badhi Taaraya Iyo Waddani Oo Talyanle Degta Ku Sita + Balanta Maalinta Axada.

Date:

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Meel Cidlo Ah Ku Dhacay Kadib Markii Ay Xukuumadda Kala Xidhiidh Furteen,Iyo Gudoomiye Baashe Oo Fursadaasi Ka Faa’iidaystay,Taageeradii Xukuumaddana Hantay.

Hargeysa:(24 SLD)_Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in labada Mudane ee ugu cad cad inay ku soo baxaan Booska Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee uu Cirro baneeyay ay ugu dhaw yihiin Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle),oo ay kala Wataan Xukuumadda iyo Kulmiye oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa sida la sheegay isku aragti ka ah Shaqsiga buuxinaya Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee uu shalay Baneeyay islamarkaana uu iska Casilay Cabdiraxmaan Cirro,waxaana sida la sheegay ay isku waafaqsan yihiin oo ay isku raacsan yihiin in booskaasi buuxintiisa lagu dhiso Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo mudo dheer ka soo ka tirsanaa Xisbi Xaakimka Kulmiye, islamarkaana Xidhiidh wanaagsan lalahaa Madaxtooyadda isagoo dhawr jeer oo ay Cirro iyo Xukuumaddu isku dhaceen la saftay Dhinaca Xukuumadda,waxaana sida la sheegay ay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE Oo Isgarabsanaa ay olole ka dhex Wadaan Mudanayaasha Wakiiladda iyagoo rajaynaya inay Kursiga uu Cirro baneeyay ay ku fadhiisiyaan Baashe Maxamed Faarax.
Dhinaca kale Xisbiga Muraaridka ah ee WADDANI ee baneeyay Booskan ayaa olole balaadhan ugu jira sidii ay kursigaasi ugu fadhiisin lahaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye Balse dhawaan u soo diga rogtay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,waxa si gaar ah Hawsha ololaha ugu jira oo badhi taaraya Gudoomiyihii hore ee Booskaasi baneeyay Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo sida la sheegay nidar ku galay inuu kursigaasi uu ka kacay uu ku fadhiisin doono islamarkaana uu hanan doono Cabdiraxmaan Talyanle oo ay isku beel ka soo wada jeedaan Gudoomiye Xigeen Baashe Maxamed Faarax oo uu Xisbiga Kulmiye wato,waxaana si wayn loo raajicinayaa in hirdankii ugu culusi uu dhex Mari doonno labadani Mudane ee ay kala wataan Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,iyadoo kal fadhiga booskaasi la buuxinayo loo balansan yahay Maalinta Axada ah ee fooda inagu soo haysa ee ay inaga xigaan oo qudha laba caano maal.
Sidoo kale Waxa booskan inuu u tartamo u hanqal taagayay Muddo dheer Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland islamarkaana ay labadan Mudane isku beel uun ka soo wada jeedaan,waxaana uu shalay Warbaahinta u sheegay Saleebaan Cali Koore inaanu wali ka tanaasulin Booskaasi ee uu u tartamayo. Wararka aanu ka helnay Saleebaan Cali Koore ayaa iftiimiyay inaanu Saleebaan geedna haysan oo aanu buur kuu tiirsanayn islamarkaana ay kala xidhiidh furteen Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsan yahay. Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan dagaal afka ah ku qaaday Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo heshiis la saxeexday Xukuumadda waxaanay talaabooyinkaasi muujinayaan sida uu Saleebaan Cali Koore uga aragti fogaaday Xukuumadda uu xisbigeeda ka tirsan yahay.
Sikastaba hanoqotee,Waxaa si weyn loo wada sugayaa Kal fadhiga loo balansan yahay Maalinta Axada ah ee Fooda inagu soo haysa iyo Hirdanka dhex mari doona Xukuumadda iyo Kulmiye oo iskaashanaya Iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...