Somaliland: Ingiriiska oo ka hadlay inay ku lug lahaayeen Iscasilaaddii Wasiirrada & Sababta ay Dad u dhashay Soomaaliya ugu dirteen kormeeridda Diwaangelinta

Date:

Ingiriiska oo Caddeeyay Cadadka dhaqaalaha ay ku bixiyeen Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland

Xukuumadda Ingiriiska ayaa gaashaanka ku dhufatay eedo hore ula xidhiidhiyey inay qeyb ka ahayd inqilaab ka dhacay Somaliland, isla markaana faahfaahin ka bixisay dhaqaalaha ay ku bixiyeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

Xafiiska Wasiirka Afrika u qaabilsan Xukuumadda Ingiriiska oo jawaab ka bixiyey su’ aal weriye Maxamuud Cali Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsan ka weydiiyey eedo sirdoonka Maraykanka ee CIA-du kula xidhiidhiyeen inay qeyb ka ahaayeen iscasilaaddii Wasiirada sannadkii hore ayaa gebi ahaanba beeniyey, isla markaana sheegay inaanu dhab ahayn warkaasi.

Ms. Sheena lavery, afhayeenka xafiiska Afrika u qaabilsan Xukuumadda Ingiriiska oo ka jawaabaysay ayaa tidhi, “Warkaasi waa been, xaqiiqadiina wax jira maaha.”

Sidoo kale Ms. Lavery oo ka jawaabaysay su’aal wargeyska Himilo ka weydiiyey faahfaahinta dhaqaalaha Ingiriisku ku bixiyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo sababta laba nin oo u dhashay Soomaaliya ugu wakiisheen inay la shaqeeyaan guddi u kormeerta habsami u socodka diiwaangelinta ayaa ku jawaabtay, “Faahfaahinta dhaqaalaha Ingiriisku ku bixinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha waa sidan: DFID = £1.4m lagu taageeray hay’adda Interpeace oo gebi ahaanba loo isticmaali doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

DFID = £200,000 lagu taageeray hay’adda Handicap International kaga qeybqaadanayso hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

CSSF* = £500,000 loo isticmaalayo hawlaha sharci ee la xidhiidha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo guud ahaan hawlaha doorashada.

CSSF = £80,000 loo isticmaalao kormeerida. Waa sidaa qaabka loo qorsheeyey, laakiin weli lama wada isticmaalin.

Ms. Lavery ayaa raacisay, su’aaha la xidhiidhay sababta ajaanib loogu xilsaaray kormeerida, iyadoo la helayo dad u dhashay Somaliland, ayaa ku jawaabtey, “Waa si loo xaqiijiyo madaxbanaanida iyo dhexdhexaadnimada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...