Hindiya : Tababar Jimicsi Oo Sabab U Noqday Dhimashada Gabadh Ardayad Ah !

Date:

Dalka Hindiya ayaa aad looga hadal hayay dhacdo argagax galisay waalidiinta ardaydoodu wax ka barato kulliyadaha kala duwan ee dalkaasi kadib markii gabadh ardayad ahi ku naf weyday xiisad jimicsi ah oo la siinayay.

Tabbabarka ay ku geeriyootay gabadhan ardayada ahi ayaa waxa uu ahaa mid aad u adag waxaana lagu tabbabarayay inay dabaqa lixaad kaga soo dagaan xadhig oo ay dhulka kusoo gaadhaan, jarriidada Daily Mail oo shaacisay dhacdadan oo Wargeyska Himilo soo turjumay ayaa lagu caddeeyay in gabadhani magaceeda la odhan jiray Aditi Sanji da’deeduna ahayd 16 jir, isla markaana macalinka tabbabarkan siinayay gabdhahaasi ardayda ah ayaa la xaqiijiyay inuu yahay gabadha geeriyootay Aabaheed, waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in dhaawacyo halis ahi madaxa ka soo gaadheen oo ay u geeriyootay, sidoo kale maamulka kulliyada arrintan argagaxa leh ka dhacay oo magaceeda la yidhaahdo Kulliyada Caalamiga ah ee Jaibour kuna taalla magaalada Jaibour ee Dalkaasi Hindiya ayaa waxay tacsi u direen waalidka iyo ardayda kulliyadaasi waxaanay arrintani ku tilmaameen arrin si lama filaan ah u dhacday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...