Lamaane Naftooda Ku Waayey Lacag U Dhiganta 1, 700 Shilinka Somaliland Ah

Date:

Nin Gacansade ahaa oo tukaan ku lahaa magaalada Manbuuri ee ku taala Gobolka Otar Bradish ee Dalka Hindiya, ayaa lamaane is-qabay ku dilay deyn dhan 22 Santi, taasi oo ay Carruurtooda Buskud Tukaanka ugaga qaadeen.

Ninkan ayaa dilay Lamaanahan is-qabay, kadib markii ay goor subax soo hor mareen tukaankiisa, isagoo ku leh lacag Cadadkeedu ahaa 22 Santi oo Lacagta Maraykanka, taasi oo marka Shilinka Somaliand loo beddelo u dhiganta 1700 shilinka Somaliland.

Lamaanahan ayaa Tukaanka Ninkan Hindiga ah ka amaahday Buskud qiimo ahaan u dhigma intaa aynu kor ku sheegnay, waxaanu markii ay Tukaankiisa soo hor-mareen ka dalbaday inay iska bixiyaan Lacagta Deynta ah ee Carruuurtooda ugu qaadeen Buskudka, laakiin waxay ka codsadeen inuu muddo kale siiyo maaddaama oo aanay wakhtigaa Gacanta ku haynin Lacag ay iskaga bixiyaan.

Lamaanaha oo ka soo jeeda Dadka noloshoodu hooseyso ee Dalka Hindiya, ayaanu Ninka Tukaanka haysta wax jawaab ah ka siinin Dalabkooda ah inuu siiyo wakhti ay iskaga soo bixiyaan deynta, isla- markiina waxa uu la soo baxay faash, kadibna waxa uu isla goobti ku dilay lamaanihii uu ku lahaa deynta aan gaadhayn halka dollar.

Ciidanka dalka Hindiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii falkan gaystay .

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...