Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE oo Kaadhka Cod-bixiyaha Qaatay

Date:

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda maanta uga qaatay kaadhka cod-bixinta.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan xildhibaanno, saraakiil xisbiga ka tirsan iyo siyaasiyiin kale, ayaa sidoo kale baaq u diray dhammaanba bulshoweynta reer Somaliland, isaga oo ku adkeeyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadweynaha waxan ka codsanayaa inay kaadhadhka qaataan, waayo waa waajibaad muwaadinka lagu leeyahay inuu kaadhka qaato oo doorashada ka taliyo, waana xuquuq distoori ah, haddii uu yidhaahdo dalka taladiisa ka qaybgeli maayona waxa uu la mid yahay qof maqan oo kale, labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer dadku waa inay ku dedaalaan inay qaataan kaadhadhkooda, halka uu qofku ugu ridayona xor buu u yahay.”
Guddoomiyuhu waxa uu sharraxay sida loogu baahan yahay inay xisbiyadu umadda u horseedaan horumar iyo barwaaqo, waxana uu bulshada ku adkeeyey inay danta guud muhiimad gaar ah siiyaan, “Waxaynu doonaynaa inaynu dalkeena nabad iyo horumar u samayno, doorashada iyo xisbiyadana ma rabno inay fadqalalo, colaad iyo fowdo naga galaan, annaguna waanu ku dardaaranynaa naftayada, dadka nagu taageersanna waanu dardaaraynaa, xisbiyada iyo Dimuqraaddiyaddu waa inay horumar inoo keenaane ma aha inay rabshad iyo buuq kale inoo keenaan, dadkana waxan ka codsanayaa inay qaranimada ka hor mariyaan qofnimada iyo shakhsigu waxa uu doonayo, haddii aynaan qaranka helinna qofkuna waxba heli maayo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ku adkeeyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii dalka loo horumarin lahaa, isla markaana loo gaadhi lahaa yoolka guud ee qarankani leeyahay, isaga oo umadda u rajeeyey guul waarta.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...