Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Beeraha Ee Banka Wajaale

Date:

Wasiirka Waasarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), oo ay wehiliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha, Iskuduwaha Wasaarada Beeraha ee gobolka Gabiley, Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Gabiley iyo Waliba Taliyaha Ciidanka ee Mashruuca Banka Wajale ayaa maanta kormeer Ku tegay Mashruuca Beeraha ee Banka Wajaale.
U jeedadda kormeerkaasi ayaa la Xidhiidhay u kuur-gelida sida ugu haboon ee Guri Karo Midhaha iyo Saraca bislaaday ee ka soo baxay Mashruucan beeraha ee Banka Wajaale iyo Sidoo kale sida loo balaadhin karo beerahaasi, isla markaana wax-soo saar ku filnaan kara shacabka reer Somaliland looga dhigi lahaa.

Wasiirka Wasarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ku tilmaamay u jeedadda socdaalka ay ku tegeen mashruuca Banka Wajaale in uu la xidhiidha qiimayn ay doonayeen in ay ku soo sameeyaan halka uu marayo wax-soo saarka beerahas ee Banka Wajaale. Isaga oo mahad naq u Jeediyay Xukumadda Somaliland oo uu ku amaanay in ay si weyn isku garab taagtay in uu mashruucani fulo.

Faarax Geedoole, waxa uu sheegay in ay dhul aad u baaxad weyn wax ka beereen, isla markaana ay dalagaydda kala duwan ka beereen mashruuca Banka Wajaalle, kuwaasi oo hadda soo go’een noocyo kala gedisan oo ka mid ah dalagyadaasi. Waxaanu yidhi “Dalagyadda aanu halkan ka beernay waa dalagyo aad u farro badan, oo kala gedisan, saacadaha la qodayna waxay gaadhayaan ilaa laba kun iyo dhawr boqol oo saacadood, dalagyadda la beeray waa dalagyo aynu doonayno in dadka reer Somaliland ay caado ka dhigtaan, haddii aan soo qaato waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu halkan ka beernay waxay isugu jiraan Gellay, Sareen, Heed, Dukhur, Qamadin iyo Bariis, kuwaasi oo ah inta la isku yidhaahdo dalagyadda cuntadda, waana isku nooc, waxa kale oo aanu halkan ka beernay noocyadda kala duwan ee Digirta, ee ay ka midka tahay Digirta Cas, Faasooliyaha Cad, San-buukadda doogadda ah iyo Fuulka ama faasooliyaha waa weyn, dalagyo kala duwan ayaanu halkan ka beernay, kuwaasi hada dhamaantoodba bislaada.”

Agaasimaha Guud ee Wasarada Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyadda uu wax-soo saarka mashruucani u leeyahay dalka iyo baahida weyn ee ay bulshadu u qabto in ay helaan wax-soo saar dalkooda ka baxay.

Waxaanu ka waramay u jeedadda kormeerka ay ku tegeen mashruuca beeraha ee Banka Wajaale, waxaanu yidhi “U Jeedadda kormeerka weftigan uu wasiirka Beeruhu hogaaminayaa ay halkan u yimaadeen waxay tahay in aanu ku ogaano wakhtiga aynu bilaabayno guridda midhaha bislaaday, ee ay ka midka yihiin Digirta, Bariiska, Gellayda, Hadhuudhka iyo dhamaanba wixii kale ee sarac ah ee bislaaday.”

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Gabiley Cabdi C/lahi, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa caiidamadda qaranka ee degan banka Wajaale ku amaanay ilaalinta mashruucaasi.
Axmed Daa`uud Ibraahin, oo ah Taliyaha Ciidanka Mashruuca Banka Wajale ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ilaaliyaan tabaca iyo wax-soo saarka beeraha ee ay ka midho dhalisay wasaaradda Beeruhu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...