Cali WARRAN-CADDE Oo Sheegay In Somaliya U Diyaar-garoobayso Inay Somaliland Xoog Ku Muquuniso

Date:

La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Warran-Cadde oo safar ku jooga Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa soo saaray War-Saxaafadeed uu kaga digay Shirqool uu sheegay inay Soomaaliya u Maleegayso Somaliland.

War-Saxaafadeedka Cali Warran-cadde oo soo gaadhay Himilomedia.com, ayaa u qornaa sidan “Waxaa Muuqata Inay  Soomaaliya u diyaar-garoobays Sidii  ay Hab Milletari iyo  Xoog   ugu soo  Dabaali lahayd  Somaliland   waxay  ugu  yeedhaan  Midnimada Soomaaliya. Somaliland iyo  Soomaaliya waxay  dunidu   ku ogayd   inay wada-hadal iyo  nabad-gelyo ku  dhamaystaan  arrimaha  siyaasadeed  ee ka   dhaxeeya.Hasa-yeeshee  waxaa  muuqata  in maamulka Soomaaliya  arrintaasi   aanay  u  cuntamin oo ay   ka doorbideen in is  muquunin iyo  xoog  ku  bedelaan   wada-hadalkii oo  imika  in  muddo  ah  ay  ka  caga  jiidayeen.

Muddoooyinkan  danbe  hadallada  Maamulka Soomaaliya  waxaa  kamida   ahaa  (in  wax kasta  oo ay   kaliftaba  ay  u   marayaan sidii  Gobollada  waqooyiga loogu soo  celin lahaa  midnimadii   Soomaaliya)  taasi   oo macnaheedu   yahay  in maamulka  Soomaaliya uu  xoog   isticmaali doono. Waxaanay hadda bilaabeen Faro-gelin  toos ah oo  aan   Geedna  loogu  soo  gabban, waxaanse  u  sheegayaa  Maamulka  Soomaaliya  Iyo  Xulafadooda u  diyaar   garoobay  in ay  Geeska  Afrika  Iyo   Guud   Ahaan   Mandaqaddan ay  ka  huriyaan  colaad cusub  in   aayo-xumida  ka timaadda ay  tunka   u ridan doonaan. Ummada Reer Somalilandna   waxaan ugu  baaqayaa  Midnimo iyo  isku  duubnaan  iyo inay ka  feejignaadaan   cadowtinimada  ay  Maamulka  Soomaaliya   u  maleegayaan   Qaranka  Somaliland.”

Cali  Maxamed  Waran-cadde

La  Taliyaha Gaarka Ah  Ee Madaxweynaha JSL

From:  Abu Dubai  UAE

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...