Somaliland: Cali Khaliif Oo Quus Ka Taagan Wadahadalka Soomaaliya Iyo Somaliland illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi.

Date:

Prof  Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in marnaba aanu is faham ku dhammaan doonin wadahadallada u dhaxeeya  Soomaaliya iyo  Somaliland, iyadoo aan wax laga bedelin sida ay hadda wadahadallada u socdaan.

Prof  Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in hadii Shan Sano oo hadda dhiman uu sii socodo wadahadalka xitaa aanu natiijo ka imaaneyn, illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi.

Waxa uu sheegay in rajada ugu weyn ay tahay marka Somaliland ay aqbasho in wadahadalka uu noqdo mid u dhaxeeya Koonfur iyo Waqooyi.

“Haddii ay wax dhaleyso Koonfuir iyo Somaliland baa wadahadlaya mar hore ayey dhali lahayd, Shan sano kale hadii lagu noqnoqdo Turkiga waxbo ma imaanayaan, laakiinse marka loo hadlo waqooyi iyo Koonfur waxaa laga yaabaa in la isku fahmo wadahadal, markii aan helno Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidna cidda kale ka xigin, awoodna ugu sheegan waa macquul in natiijo laga gaaro wadahadallada” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya  ayaa sheegtay in mar walbo ay ka go’an tahay in miiska wadahadalka ay la fadhiisato Somaliland ee aaminsan inuu yahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...