Somaliland: “Maanta Waxaanu Ka Doonaynaa Jabuuti,Maalinba Bawdyo Rag Mid Ayaa Qaawane,Maanta Taayada Ayaa Qaawane,Inay Halkaanu Iska Taagi Jirnay Iska Kaaya Taagaan”.

Date:

Anigu Waxaan Ahaa Ninkii Madaxweyne Geele U Tagay Ee Ku Yidhi Mar Afraad Isoo sharax,Ee ku Dhiirigaliyay Si Uu Anaga Iyo Maroboobtan Noo kala Saaro,(Somaliland Iyo Soomaaliya)”.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa weedho duur xul ah ku ganay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Waxa uu ka dalbadday inuu dhex ka noqdo Muranka ka dhex aloosan Somaliland iyo Soomaaliya,waxa uu sidoo kale farta ku fiiqay sida uu mar walba garab u siiyo Soomaaliya ee uu Muqdishana u tago,Hargeysana aanu waligii u iman, Waxaanu carabka ku dhuftay in Jabuuti Haddii uu dalka Eratariya soo weeraro ay Reer Somaliland ugu soo hor gurmanayaan,Waxaanu ugu dambayn ka dalbaday inuu doorkan garab istaago Somaliland oo uu Faysal ku sheegay inay Bowadeedu qaawan tahay.
Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Munaasibad lagu xusayay Xornimada Dalka Jabuuti ayaa waxa uu hadalkiisa u dhigay sidan“Ismaaciil Cumar Geele intaasi oo jeer ayuu Xamar tagay oo Mar Qudha Hargeysa muu iman,Taasina nama qabato,Jaarku Xuquuq ayuu isku leeyahay,Anagu Xuquuqda Jabuuti waanu ilaalinaa,Maanta haddii ay ilatariya soo weerarto Xamar soo gurmanmayso ee anaga ayaa u horaynayna oo soo gurmaynayna,anaga ayaana u diyaar ah inaanu daafacno,maalintii dhawayd raggii daafacay reer Somaliland ayay ahaayeen,wada aduunyada ay iscamiraan, Jabuuti,Somaliland iyo Itoobiya inta kale way iska xigaan”.
Waxa kale oo uu yidhi“Ismaaciil Cumar Geele waxaan leeyahay,Anigu waxaan ahaa ninkii u tagay ee yidhi Mar afraad isasharax,oo soo bax insha Allah Waad soo baxaysaaye,oo anaga iyo Maro Boobta aad nakala saartide,(Somaliland Iyo Soomaaliya),aniga ayaa ku dhiiri galiyay inuu isasoo sharaxo,ninkii kuu dhiiri galiyay ayaan ahaa,Maanta Waxaanu ka doonaynaa Jabuuti,Maalinba Bawdyo rag mid ayaa qaawane,maanta taayada ayaa qaawane,inay halkaanu iska taagi jirnay iska kaaya taagaan, Waxaanu leenahay maanta odaygii Soomaaliyeed ayaa tahay,oo qiime leh, Somaliland iyo Soomaaliya ugu yaraan waa inaad u noqotaa dhedhexaad,oo aanad midna garabka saarin,oo aad nakala saartaa oo aad noo sinaataa,waxaan leeyahay Alle Cimrigaaga ha dheeriyo”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...