Somaliland: Musharax Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Macalimiintiisii Siyaasada,Muxuu Ka Korodhsaday Madaxweyne Siilaanyo, Muxuuse Ka Faa’iiday Marxuum Cigaal,Muxuuse Siyaasada Ku Macneeyay.

Date:

“Laba Macalin Ayaa Siyaasada Soo Maray Oo Aan Mid Walba Darsi Gooni Ah Ka Bartay,Midi Waa Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Wuxuu Ka Baxsaday Soomaaliya Iyo Dawladii Afweyne 1982..”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Doorkan Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay Xusay Laba macalin oo uu sheegay inuu duruus siyaasadeed ka korodhsaday kuwaasi oo labadoodaba uu la soo shaqeeyay, Waxa uu sidoo kale ka waramay aasaaskii iyo unkidii Qaranka Somaliland iyo sidii uu Maxamed Xaaji Ibraahim cigaal ula bilaabay shaqada,waxa kale oo uu ka sheekeeyay waayo kala duwan oo uu labadiisaasi macalin ka ogaa iyo qaabkii ay kursiga ku hanteen.
Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa sidan ka sheegay maruu khudbad u jeedinayay Doraad taageerayaal uu kula kulamay Deegaamo ka tirsan Gobolada Bari oo uu safar ku soo maray, Muj Muuse Biixi isagoo ka hadlaya arintani ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Siyaasiyiintu waa beenaale ayaa dadka qaar yidhaahdaan,Maaha,Laba Macalin ayaa siyaasada soo maray oo aan mid Walba Darsi Gooni ah ka bartay,Midi Waa Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Wuxuu ka baxsaday Soomaaliya Iyo Dawladii Afweyne 1982-kii,Illaa maanta muuqaadan Passport Ingiriis ah,way la noqon wayday in dadkiisa intuu ka cararo uu noqdo Nin Ingiriis ah ama Maraykan ah,Wuu ka xishooday,haddii la doortayna intii uu qabtay ee Horumarin ah waa looga garaabay,Markaa muu noqonin Siyaasiyiinta marka ay dadka Codka ka helaan iyagu dantooda ka fushada,Madaxweyne Siilaanyo waxa uu halkan kaga tagayaa Maro Nadiif ah oo Taariikh ah”.
Waxa kale oo uu yidhi “Macalinka kale ee aan la soo shaqeeyay,ee isagana Casharada ka bartay waa Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHU),Waxa uu ahaa madi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaana uu dhaxlay keligii lacag markaasi u dhigmaysay Lacagaha ay haystaan Ganacsatada reer Somaliland ee kala ah Shirkadda Dahabshiil,Shirkada Oomar, Shirkada Telesom Iyo Shirkadda ABCO, oo la isku daray,lacag ka badan Barigaa ayuu dhaxlay keligii, Lix Boqol oo Rubood ayuu dhaxlay,Waxa laga yaabaa Geeska Africa oo dhan inaanu jirin Wax Lix Boqol oo Rubood Haystaa,SNM ayuu ku soo saaray,Dawladaasi Somaliland ayuu ku dhisay, Waan waraystay,Waxaan ku idhi miyaad iska nasatid oo aad Xoolahaagan iska cuntid,Wuxuu yidhi waxay ii ahaan wayday inaan keligay taajir noqdo oo aan keligay Calooshaydu dheregto, iyadoo ay inta igu xeeran iyo Inta aan aqaanaaba gaajaysan tahay,Waa lagu xidhay,oo haddana lagu xidhay,oo uu dhawr iyo toban xidhnaa oo uu soo baxay Xaqoonti ma qaadan,oo Dibad uma cararin,Abu Dubai ayuu qol yar iska fadhiyay”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Dalkii ayaa la xoreeyay,isaga oo aan xiitaa Kun Dollar haysan ayuu soo noqday,Ninkii Ina Cigaal ee waxaasi oo lacag ah haystay,Shilin isagoon hayn ayuu yimid,oo uu yidhi Talada Dalka ayaan ka qayb galayaa,waxa uu ka soo degay Berbera,Waxaanu markii dambe tagay Shirkii Boorama ee lagu soo doortay,shan bilood ayaa boorama la joogay saw maydin maqal,Waxaa isasoo sharaxay Dhawr iyo Toban nin oo Lafo ah,Jaamac yare ayaa ka mid ahaa,Cumar Carte Qaalib,Maxamed Xaashi,Duqsi ayaa joogay,Maxamed Halac ayaa joogay iyo rag badan oo hal door ah,intaa waxaa la wareejinayay,maanta si ayaynu ukala daadsanahaye,waar yaa maanta bahashaa inoogu aaqoon badan,oo isku keen ururin kara,shirar badan ayaa la galay,Shantaas bilood waxay iskugu soo rururtay Ina Cigaal cidi kuguma dhaanteen adiga ayaanu ku doonaynaa inaanu ku riixno,waxa uu yidhi talo badan oo aan ururiyay iyo rag badan oo aad iisoo dirteen anigoo qadarinaya,waxaan ku talinayaa in Cabdiraxmaan Tuur la doorto,oo loogu celiyo,Waanu sababeeyay,waxaanu yidhi Taliye ayaan anigu ku wanaagsanahay maanta,Dadkii Talinayay ee meesha joogay oo dhan ayaa diiday”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Aan soo gaabiyee ,Taladii ayaa dhiibay dabadeedna waanu wada shaqaynay,laba qof oo aad ukala fogna ayaanu ahayn,marka hore isagu ninkaasi lacagta badan dhaxlay ayuu ahaa,Ana geeljire nolosha ka soo galay Miyi ayaan ahaa,waa laba eh,Ina Cigaal Askartu marbay qabteen isagoo wasiir ah oo qolada Askarta ah Indho kulul ayuu ku eegayay ana Askari ayaan ahaa,Waa ta saddexaad eh,Jabhada dhagtuu ka maqlo mooyaane Jabhadanimada muu aqoon,ninkaasi waxaan ka bartay Falkinta dawladnimada,Waxaan ka bartay Samirka,ninka Ina Cigaal bini Aadmi ka adkaysi badnaa majirin,isagana Casharkaasi ayaan ka soo qaatay”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...