Italy: Dad ka badan 2000 qof oo laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Libya

epa04397249 More than 900 illegal migrants are shipped to the mainland after being rescued by Italian Navy boat 'Fregata Euro' (background) in the Mediterranean Sea, 12 September 2014. EPA/GIUSEPPE LAMI

In ka badan 2000 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyey xeebaha Libya kadib markii ay ku sigteen in ay la degaan doonyihii ay la socdeen.

Taliska Ciidanka Badda Talyaaniga ayaa sheegay in dadkan ay la socdeen in ka badan 20 doonyood oo ah nooca yar yar kuwaas oo ay iska buuxiyeen.

Howlgalka gurmadka oo bilowday shalay oo sabti ahayd ayaa lagu guuleystay in si nabad ah lagu badbaadiyo muhaajirintaan oo kusii jeeday Talyaaniga, waxaana la sheegay in ay u badan yihin Suuriyaan.

Sanadkan ayaa noqdey kii ugu badna qulqulka muhaajiriinta dalka Talyaaniga ee kasoo baxaya Libya, waxaana Qaramada Midoobey ay sheegtay in dad ka badan 100,000 qof ay gaareen xeebaha Talyaaniga.

Sidoo kale dad ka badan 2,000 qof ayaa ku dhintey badda halista baddan ee Mediterranean-ka, waxaana xusid mudan in markii hore muhaajiriinta oo ay u badnaayeen Afrikaan in hadda ay kusoo biireen Carab.

Mashaakilka tahriibka Yurub oo ah mid caalamka si weyn u gilgilay sanadkan ayaa u wacan rabshadaha ka aloosan Bariga dhexe iyo qaar kamid ah wadamada Afrika.

 

Comments

comments