Somalia: Saldhigga Millateri Ee Uu Turkigu Ka Dhisanayo Muqdisho Oo La Soo Gaba-gabeeyay

Date:

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgan Baker ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ka waday magaalada Muqdisho.

Danjire Olgan Baker oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay xarunta Safaaradda ee Muqdisho ayaa sheegay in bisha Agosto ee soo socoto ay Muqdisho imaan doonaan Saraakiisha Milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd Ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in bisha September ee soo socota la furi doono Saldhigga, iyadoo lagu wado in kumanaan askar Soomaali ah tababar lagu siiyo bilaha soo socda.

Turkiga ayaa dhawaan balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya, iyadoo heshiisyo dhinaca milateriga ah ay hore labada dal u kala saxeexdaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sannadkii hore mar uu u tagay magaalada Muqdisho furitaanka safaaradooda ayaa sheegay inuu furi doono saldhig milateri oo ay ka dhisanayaan Muqdisho.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...