Israa’iil Oo Albaabada U Laabtay Masaajidka al-Aqsa Ee Magaalada Qudus.

Date:

Ciidamanka Booliska ee Israa’iil ayaa albaabada u laabay masjidka saddexaad ee barayakan ee al-Aqsa, kadib markii maalintii shalay ay toogasho ka dhacdey banaankiisa.

Maalintii shalay ayaan salaadda Jimacada lagu tukan Masjidka al-Aqsa, kadib markii ciidanamada Israa’iliyiintu ay xireen, sidoo kale waxay xabsiga dhigeen Sheekh caanka ah magaalada Qudus. Xidhitaanka Masjidka iyo Sheekha ayaa daba socda toogasho subaxnimadii Jimacada ka dhacdey banaanka Masjidka.

Saddex nin oo Falastiiniyiin ah oo hubeysan ayaa rasaas ooda uga qaadey ciidamada Booliska Isra’il, waddada laga galo masjidka ee loo yaqaan Lion’s Gate, waxaana ay dileen laba kamid ah ciidanka Yuhuuda, halka ay dhaawaceen qaar kale, ka hor inta aan iyagana lagu dhex dilin banaanka Masjidka barakaysan ee al-Aqsa.

Maalinkasta oo Jimce ah waxaa Masjidka al-Aqsa u cibaado taga dad ka badan 10 000 oo qof kuwaas oo ka kala yimaada magaalooyin fog fog.

Masaajidka Barakaysan ee al-Aqsa iyo magaalada Qudus waxaa xoog ku haysta Israil oo dhankooda sheeganaya in Masjidku uu ka mid yahay goobaha barakaysan ee Yuhuudu leedahay.

Ma jiro wax war ah iyo canbaareyn ka soo baxdey Jaamacada Carabta oo ku aadan xidhtaanka Masjidka iyo weerarkii ka horeeyey, waxaana dalalka carabta ugu xooga weynaa ay ku mashquulsan yihiin cunno qabateyn dhexdooda ah iyo dagaalka Yemen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...