Somaliland: Xogo Kasoo Baxaya Shir Qarsoodi Ah Oo Xalay Burco Ku Dhex Maray Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Odayaal Beeshiisa Ah

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya Warganenews ayaa waxay sheegayaan in xalay uu shir qarsoodi ahi uu hudheelka City Plaza ee magaalada Burco ku dhex maray badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo uu waheliyo xoghayaha dawlada hoose ee magaalada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur iyo odayaal beeshooda  ah oo kasoo jeeda gobolka Saaxil.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen isla markaana qarsoodi ahaa ayaa waxa jilbaha isku aastay gudoomiye Ramaax oo uu wahelinayo xoghaye Cismaan iyo odayaal beeshooda ah,waxaana shirkan uu ahaa mid ay kaga wada hadlayeen sidii loo daadifayn  lahaa taageerayaal tiro badan oo kusoo biirey xisbiga WADDANI,kuwaas oo masuuliyiinta WADDANI u qabteen soo dhawan balaadhan.

Waxaana badhasaab Ramaax uu  odayaashan usoo bandhigay in ay daadifeeyaan taagerayaashaasi ku biirey xisbiga WADDANI,isaga oo sidoo kalena odayaashan ku adkeeyey inay warbaahinta soo horfadhistaan kana dhawaajiyaan inaanay taageerayaashaa WADDANI ku biiray aanay matalin reerka,balse codka gobolka Saaxil uu yahay xisbiga KULMIYE.

Badhasaab Ramaax ayaa waxa xogo u dhuun daloolay shirkaas qarsoodiga ah ay noo sheegeen in odayaashan uu u ballan qaaday in xukuumaddu ay siin doonto qadar lacaga oo aad u  badan oo aan xaddigeeda la shaacin iyo inuu isa soo horfadhiisin doono iyaga iyo murrashaxa madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Odayaashan ay abaabuleen gudoomiye Ramaax iyo xoghaye Cismaan ayaa la filayaa inay maanta warbaahinta la hadlaan isla markaana fuliyaan qorshihii loo soo dhiibay.

Xogaha aan helayno ayaa sidoo kale waxay iftiimiyeen in Badhasaab Ramaax ay canaan badan kaga timi dhanka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Gabagabadiina magaalada Burco  ayaa waxa hirdan siyaasadeed iyo loolan adag uu maalmihii u danbeeyey ku dhex marayey xisbiga WADDANI iyo KULMIYE,iyaga oo masuuliyiinta labada xisbiba ay guclo orod ugu jiraan hanashada codadka beelaha daga gobolka Togdheer.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...