Somaliland: Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Cabudhin Siyaasdeed

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa xukuumada iyo badhasaabka gobalka Togdheer Ramaax ku dhaliilay inay cabudhin ku hayaan shacbiga deegaanada laga soo doortay.

Waxaanu xildhibaankani taxay dhibaatooyinka caafimaadka,wado xumida iyo wax barasho la’aanta ka haysata deegaanada laga soo doorto, isaga oo u soo jeediyay inay taageeraan musharaxa xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu baahiyahaas wax kala qaban doono haddii uu dalkamadaxweyne ka noqdo, waxaana isaga oo ka hadlaayay xaflad taageerayaal ay ku soo galayeen xisbiga Waddani uu yidhi”Xukuumadda gobalka iyo ta sareba waynu canbaaraynaynaa, Ramaax ayaynu canbaaraynaynaa. wax nolasheena tagay oo Gidhays tagay oo soo taabtay Cabdiraxmaan Cirro weeye, toddobada tuulaba waa uu soo maray, beero,dugsi, waddo oo caafimaad midna ma lihin. Nin baa igu yidhi haddii nabi Aadam di b loo soo saaro gudhays waa uu garan lahaa, ileen waxba lagama badaline, maanta ragbaa raba inaan godkaas ku jirno, waxaanu leenahay Ramaaxow nooma taaghelaysid oo waanu ka baxaynaa godka.”

Comments

comments