Somalia: Xukuumadda Farmaajo Oo Buuhoodle Ka Abaabulaysa Shir Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeestay Iyo Xukuumadda Oo Aan Kelmad Ka Odhan

Date:

“Shirkaas Dagaal Cad Baanu Ka Xignaa, Wixii Cawaaqib Ka Yimaadana Iyaga (Kuwa Abaabulaya) Ayaa Qaadaya” Masuul Ka Tirsan kooxda Khaatumo

Xukuumadda Muqdisho ayaa la sheegay inay shir lagu xagal daacinayo heshiiskii dhexmaray kooxda Khaatumo iyo dawladda Somaliland ay ka abaabulayso magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Dawladda Somalia ee taagta daran ayaa isugu yeedhay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Dhulbahante waxaanay kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyey in shir ka dhan ah maslaxadda dadka deegaanka lagu qabto magaalada Buuhoodle, shirkaas ayaana ay qabanqaabadiisu si wayn uga socotaa magaalada Xamar.

Masuuliyiin ka tirsan kooxda Khaatumo ee dhawaan heshiiska la gaadhay dawladda Somaliland iyo qaar ka mid aqoonyahanka deegaanka Buuhoodle ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhaln karta shirkaas oo ay sheegeen inuu ka soo horjeedo dahana Dhulbahante.

Masuuliyiintan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa ku hanjabay inaanu shirkaas sinaba uga dhici Karin Buuhoodle haddii la isku dayana ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto ciddii isku daydaa, waxaana hadalkoodii ka mid ahaa:

“shir kooxeedkaas lagaga dhawaaqay Xamar horena meelo kale looga dhawaaqay, aanuna uga jawaabnay inaanu ka dhacayn gobolka Cayn aad se mooddo in la iska dhego marayo oo ay tahay caduur dhaw-dhawdy uma dhacsana, waxaanu mar labaad iyo mar saddexaad ba ku celinaynaa inaanu shirkaasi ka dhici doonin Buuhoodle, inaan shirkaas kooxda mayalka adag ay gacanta ku hayso inaanu Buuhoodle ka suuroobayn ayaanu cadaynaynaa, cid kastoo isku dayda wixii dhibaato ah ee halkaas ka yimaada iyadaa ka masuul ah”

Sidoo kale masuul u hadlay Khaatumo ayaa madax-dhaqameedka ku eedeeyey inay masuul ka yihiin wixii shirkaas ka yimaadda haddiiba ay dhacdo in la isku dayo inuu Buuhoodle ka qabsoomo, waxaana uu yidhi:

“waxa jira hawlo iyo carqalado ka socda xagga Xamar oo odayaashii intay Buuhoodle, Laascaanood iyo dhulkii Dhulbahante ay ka baxeen ay Xamar ka baxeen, waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaan shirka halkaas laga soo wadaa aanu imaanayn Buuhoodle, haddii uu yimaado oo ay ka dhego adaygaana ay cawaaqibka halkaa ka yimaadda iyagu qaadayaan, arrintaas ma yeelayno dagaal cad baanu ka xignaa”.

Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal dhaq-dhaqaaqyada dhaawaca ku ah qaranimada ee shirkan ka dhalan kara, sidoo kalena waxay xukuumaddu ka cago jiidaysaa inay qabanqaabiso shirkii lagu ballamay inuu ka qabsoomo Burco.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...