Somaliland: Akhri Magacyada Xildhibaano La Baafinayo Oo Kasoo Ag Wareegi Waayay Fadhiyadii Wakiilada Wakhtiyada Dhaameelkana Soo Cammira

Date:

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Xoghaya Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxa lagu baafinayaa 45-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland kuwaasi oo lagu sheegay inaanay dhawr kalfadhi ka soo xaadirin islamarkaana aan haybtooda la hayn oo aanay ka soo agwareegin Xayndaabka Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland.
Magacyada Xildhibaanaddan la baafinayo ayaa waxa golaha ugu dambaysay fadhigii lagu meel mariyay Heshiiskii Xukuumaddu la gashay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-WORLD,Waxaanay qaarkood ka mid ahaayeen mudanayaashii sida weyn dabada uga riixayay Heshiiskaasi.Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ayaa caado ka dhigtay inaanay ka soo xaadirin fadhiyada bilaa caanaha ah waxaanay arintaasi sababtay in mar qudha Xoghaya Golahaasi baafiyo in kabadan kala badh Tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo lagu sheegay inaanay ka soo xaadirin Fadhiyidii u dambeeyay ee uu Golahaasi yeelanayay intii ka dambaysay Fadhiyadii Heshiiskaasi lagu ansixiyay.
Xildhibaanadda La Baafinayo ayaa u badan Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Xukuumadda iyo Xisbi Xaakimka u ololeeya.
Liiska Xildhibaanada La Baafinayo ee 45-ka ah:
1. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
2. Axmed Cabdi Nuudr Kijaandhe
3. Axmed Ducaale Bullaale
4. Axmed Faarax George
5. Axmed Cabdi Kaahin
6. Axmed Xasan Aadan Muuse (Wayse Cadde)
7. Axmed Maxamed Nuur
8. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale
9. Cabdi Hirad Warfaa
10. Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale
11. Cabdilaahi Axmed Yuusuf (Madar)
12. Cabdiqaadir Askar Xasan
13. C/qaadirXaaji Ismaaciil Jirde
14. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale
15. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw Xoog)
16. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
17. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
18. Cali Obsiye Diiriye (Cali Gabiley)
19. Faaarax Maxamuud Cabdalle
20. Xaashi Xuseen Caabi
21. Ibraahim Axmed Raygal
22. Ibraahim Carraale Cabdi
23. Ibraahim Jaamac Cali
24. Jaamac Xasan Aadan
25. Mahdi Cabdilaahi Maxamuud
26. Mahdi Xuseen Cadare
27. Maxamed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle
28. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
29. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
30. Maxamed Cali Xirsi
31. Maxamed Cismaan Muxumed (Bulqaas)
32. Maxamed Cumar Aadan Jiir
33. Maxamed Jaamac Cabdi
34. Maxamed Jaamac Cali
35. Maxamuud Ismaacil Xasan
36. Maxamuud Jaamac X. Cilmi (Dable)
37. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi
38. Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
39. Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka)
40. Maxamed Saalax Cige
41. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos U Jeed)
42. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
43. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
44. Siciid Cartan Cismaan Faarax
45. Wali Axmed Aadan (Wali Xaawo).

baafin

raadin

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...