Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxaa uu iminka ka Hadley xadhiga Wariye Cumar Seerbiya oo maanta ciidamada Amaanka Xabsiga Dhigeen ka dib markii uu madaarka Hargeysa ka soo degay
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada amaanku u xidheen saxafigan raad raac ay wadaan ciidamada Sirdoonku isla markaana goor dhaw la filaayo in ay soo baxaan warar kale oo ay wax iska bedelaan xadhiga wariyahan waxaana u yidhi
” Waxaan Ogahay in wariya haas la xidhay , sababo ayaana dawladu u xidhay oo sabab la,aan umay xidhin oo qolyahay sirdoonka iyo Boolisku raad raac ay hayaan uun bay u xidheen waxaase iminka igu soo noqonaya oo aan sugayaa warar laga yaabo in ay arintaas wax iska bedelaan oo ilaa mar dhaw baan war sugayaa” ayuu yidhi Wasiirku