Masar: Gabadh lagu Xidhay Birta Laydhka Markii lagu Qabtay Ilma-yar oo Xadday

Date:

Arrin aad u  la yaab badan, ayaa waxay ka dhacday magaalada Belbeis-ta Koonfureed ee dalka Masar. Dhacdadan, ayaa cabsi-gelisay Dadka isku daya in ay Ubadka yaryar xadaan waxaana lagu qabtay Xaafad ka mid ah magaaladaas Haweenay isku-dayday in ay xaddo ilma-yar.

Waxay Dadkii ku noolaa Xaafaddaasi xaqiijiyeen in ilmaha yar ee Haweenaydu wadato aanu ahayn ilamheedii, waxaanay isla markiiba ku xidheen Bir Laydh oo ka agdhawayd, waxaanay Dadkii ku noolaa Xaafaddaasi sheegeen in ay iyagu gacantooda ku fulinayaan Ciqaabta Gabadhaas ilmaha aanay dhalin xadday, isla markaana ay gacantooda ku dabaqayaan cadaaladda.

Arrintan ayaa faaftay ka dib markii qaar ka tirsan Dadkii goobtaas ku sugnaa ay Muuqaal ka duubeen Haweenaydaas ay ku faafiyeen Baraha Bulshada ee Internet-ka iyaga oo Jidh-dilaya oo Ciqaabta ay mudaysatay ku sheegay in Jidh-dilkaas uu yahay.

Waxay Dadka gacanta ku dhigay Gabadhaas ee Jidh-dilkaas ku sameeyey, amrayna inay muddo saacado badan ah halkaas ku xidhnaato qaarkood ay sheegeen in arrinta noocan ah ee ay Gabadhaas ilmaha xadday ku sameeyeen uga dan-leeyihiin inay digniin u noqoto Dadka isku-daya in ay si badheedh ah Carruurta u xadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...