Sucuudiga: Wiil Ku Hanjabay Inuu Gubi Doono Baabuurta Ay Haweenku Wattaan & Dareenka Dawladdu Ka Bixisay !

Go’aankii haweenka ku dhaqan dalkaasi Sucuudiga uu boqorka dalkaasi ugu ogaaladay wadista  baabuurta ayaa waxa ka dhashay hadalo badan, balse arrinta aadka u layaabka noqotay ayaa waxay tahay in wiil u dhashay dalkaasi uu baahiyay muuqaal kaasi oo uu ku sheegay in haweenka uu arko iyaga oo baabuur watta uu baabuurtooda gubi doono, ilaa iyo haatan lama oga sababta wiilkaasi ku kaliftay inuu muuqaalkaasi baahiyo.

Ciidammada ammaanka ayaa sheegay inay wiilkaasi gacanta ku soo dhigeen kadib markii uu amiirka Shariqiya uu amar ku bixiyay in wiilkaasi si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo, wiilkani oo warbaahinta dalkaasi magaciisa qarisay ayaa waxa uu ka hor intii aan gacanta lagi dhigin uu mar labaad faafiyay muuqaal uu kaga cudur daaranayo muuqaalkii hore ee ugu hanjabay haweenka baabuurta kaxaysan doona, laakiin Muuqaalka raalli galinta ahi go’aankii Amiirka Shariqia waxba kamuu badalin ilaa iyo haatana waxa uu ku jiraa gacanta ciidammada ammaanka.

Comments

comments