Yaab: Ciyaartii Siyaasadeed Ee Shalay Magaalada Burco Ku Dhex-martay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE Iyo Natiijada Ay Ku Dhammaatay Cajiib

Date:

Shaxda kooxda Kulmiye ku soo galey garoonka waxa ka mid ahaa, weerarka Cali Mareexaan, dhexda Gafaadhi, difaac Caddaani, gool-walaha badhasaab Ramaax.

Shaxda kooxda Waddani iyana waa sidan, Xirsi oo weerar ah, dhexda Cisman Afgaab, difaac Muniir, halka gool-waluhu ahaa guddoomiyaha gobolka Xuseen Kaahin, siidhi-walaha kala xaqsoorayey ciyaartu waxa ay ahaayeen bulshada reer Togdheer.
Garsooruhu markii uu siidhiga ku dhuftay in ay ciyaartu bilaw tahay, waxa markiiba weerar aan kala joogsi lahayn Waddani ay ku qaadeen goolkii uu hayey Ramaax, daqiiqadii 15 waxa kubad si fiican dhexda uga soo qaatey Xirsi isaga oo si xarago leh kubadii u shuudey kuna hubsadey shabaqa gool-haye Ramaax.
Dhawr daqiiqo kadib kooxdii Kulmiye ayaa bilawdey weerar, balse waxa hor istaagey ciyaartoyga difaaca ka ciyaarayey ee Muniir, isaga oo waliba jalaafo aan la ilaaweyn u dhigey Cali Mareexaan, Isla kubadaas oo uu si xaraga leh u qabtey gool-wale Xuseen Kaahin.
40 daqiiqo markey ciyaartu mareysey ee aaney dhamman haafkii hore, waxa kubad soo laadey gool-wale Xuseen Kaahin, waxa shafka ku qabtey Xirsi, isla markiiba dhanka gool-wale Ramaax ayuu ula jeestey, kaas oo kubadii ka hoos saarey labada lugood ee Ramaax , Goolkaas quruxdiisa waxa aad ugu riyaaqey daawadayaashii ciyaarta daawanaayey iyaga oo mar qudha isku darey foodhi iyo sacab. Garsoorihii ciyaarta ayaa ku dhawaaqey in haafkii hore dhammadey.
Tabobare Dr Cirro ayaa shaxdii ciyaarta wax ka badaley , isaga oo soogaliyey, Maxamed Fadal, halka uu badal u saarey Cismaan afgaab ,laakiin tabobare Mujaahid Muuse, shaxdii ciyaartiisa waxba kamuu badalin maadaama aanu haysan badal uu ku kalsoonyey oo natiijadan ciyarta wax ka badali kara.
90 daqiiqo ciyaartu markii ay mareyso ee uu is leeyahy garsooruhu siidhiga afuuf ayaa kubadii uu Caddaani dhanka koonaha u saarey, kadib koonaa la dhigey, waxa kubadii koonaha soo laadey Xirsi si qurux badan waxa kubadii madixiisa ula heley difaacyahan Muniir isaga oo dhanka bidix ka dhigey gool-wale Ramaax. Sidaa ayey natiijadu ku noqotey 3 Waddani 0 Kulmiye.
Ciyaartaas Maanta ka dhacdey Garoonka Plaza ee ay guushu ku raacdey Waddani, waxa xusid mudan ciyaartaas kadib in tabobare Muuse isku shaandheyn ku sameyn doono kooxdiisa si uu uga soo aarguto guusha Waddani uu ka gaadhey Plaza, balse eegnaa halka natiijada ciyaarahaasi ku dhammaadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...