Somalia: Mashruuca Farmaajo Iyo Cabdiraxman Caynte Ee Fursad Fund Oo Hargeysa Lagu Qabanayo Iyo Bulshada Oo Ka Kacdey

Date:

Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn uga biyo diiday mashruuca lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasiloonida Somaliland oo la wado in la sameeyo is-dhexgal dhallinyarada Somalia iyo Somaliland, mashruucaasi oo ay wadaan koox uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte Wasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xassan Sheekh haddana ah Safiirka Somaliya ee dalka UK , Fursad Fund oo ah mashruuc laga aasaasay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, kaas oo uu aasaskiisa lahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Xasan Sheekh Mr. Cabdiraxmaan Caynte haddana ah Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska.

Mashruucan ay kooxdaasi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte ay doonayaan inay Magaalada Hargeysa ka qabtaan oo ay ugu magac dareen Hargeysa Job Fair ayaa la doonayaa in la isku dhexgaliyo dhallinyarada Somaliland iyo Somalia iyagoo leh waxaanu shaqo abuur u samaynayaa dhallinyarada Somaliland.

Mashruucan Fursad Fund oo ay oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland aaminsanyihiin inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay ka dambayso aragtida dawladda Somaliya ee ah is dhexgalka dhallinyarada si looga dhexdhaliyo midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somaliya.

Haddaba, dhallinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxay ku faafiyeen aragtida rasmiga ah ee mashruucan oo ah inuu hoostago dawladda Somaliya, waxaanay dawladda iyo shacabka ugu baaqeen in laga taxadiro mashruucan Fursad fund oo ay suurtogal tahay in si boodh isku qarin ah loogu soo dhiibo dad reer Somaliland ah, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo dawladda ku socda oo lagaga dalbanayo inay joojiso in kooxdaasi ka qabsato carwadaaAy ugu magac dareen Hargeysa job fair .

 

Dawladda Somaliland ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin baaqyadan dhallinyarada ee ah sida looga biyo diiday mashruucan. Waxase la filayaa in dawladda Somaliland aqbasho soo jeedimaha guud ahaan Bulshada Somaliland gaar ahaanna dhallinyarada ee ah baaqyada ka dhanka ah Fursad fund.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...