Somalia: AL-shabaab oo weerar culus ku qaaday gobolka Lamu ee dalka Kenya

Date:

Wararka naga soo gaaraya gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xooogag ka tirsan Al-Shabaab xalay weerar culus ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada booliiska Kenya oo ku yaalla degaanka lagu magacaabo Pandanguo.

Weerar ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed intaba .

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen islamarkaana ay burburiyeen anteennada Telefoonnada ee deegaanka taasoo meesha ka saartay sidii loo heli lahaa xog sax oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyey weerarka in uu dhacay waxayna sheegeen in dagaal uu socdo, ururka Al-Shabab ayaa iyaguna sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Gobolka Lamu oo u dhaw xuduudda Soomaaliya ayaa ka mid ah deegaananada ay Al-Shabaab ka gaystaan weerararada oo beryihii ugu dambeeyey u badnaa kuwo loo adeegsado miinooyinka lagu aaso waddada dhinaceeda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...