Somalia: Madaxweyne Gaas 18 Sanno oo Khibrad Dhinaca Amniga Ayaanu Leenahay

Date:

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo ka qaybgalaya shirka gollaha amniga qaranka ee maanta ka furmay Magaaladda muqdisho, kaasi oo u dhexeeya  Madaxdda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada DFS ayaa sheegay in Puntland ay leedahay 18 sanno Khibrad dhanka amniga ah, ayna diyaar u tahay in dowladda federaalka ka caawiso sugida amniga goboladda kale ee dalka.

Madaxweynuhu wuxuu ka mid yahay  xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

“Shirkani oo socondoona muddo labo cisho ah waxaa lagu lafo-guridoonaa arrimo ay kamid yihiin Amaanka, siyaasada dalka, ladagaalanka kooxaha argagixisada ah, wadda shaqaynta laamaha amaanka ee DFS iyo maamuladda dalka, wadda shaqaynta DFS iyo maamuladda xunaha ka ah DFS” ayaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland

Warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynuhu  yahay ruugcadaa  arrimaha sugidda Amaanka, islamarkaana uu ku kordhin doono madaxdda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa shirka  sidda ugu sahlan ee ay u yeelan karaan laamaha amaanka ee dalku wadda shaqayn joogto ah, taasi oo sura gelin karta in la suuriyo kooxaha tamarta yar ee ku dhuumaalaysanaya dalka.

” Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu markasta ku hawlanyahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo midda, Soomaaliya oo israacday, Saamaaliya ooh al mawqif leh”

Bishii June 8, Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen xeryaha ciidamada dowladda Puntland ee tuuladda Af-urur ee buuraha Galgala waxay ku dileen in 50 qof oo isugu jiray askar iyo dad rayid, waxayna qabsadeen tuuladda af-urur oo markii dambe ay isaga baxeen, waana dilkii ugu badnaa ee kooxda Al-shabaab ay gaystaan ciidamadda Soomaalida.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...