Somaliland: Xifiltanka Dagaal Ee Maxamuud Xashi Iyo Cali Mareexaan Oo dibada U Soo Baxay.Iyo Laba Kooxood Oo Kala Tageersan Labada Wasiir Oo Baskoolado Isula Baxay Goob Xaflada.

Date:

Wasiiradda Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo isku degaan ka soo jeeda ayaa xifiltanka dagaal ee ka dhaxeeya uu dabada u soo baxay.

Labadan Wasiir oo tan iyo markii Cali Mareexaan loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud soo taxnaa, wuxuu hadda gaadhay inay isu adeegsadaan tageerayaal kala taabacsan labadooda. Munasibad uu soo abaabulay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo ka qabsoontay Huteelka Guuleed ayaa isu badashay goob dagaal, kadib markii koox kale oo taabacsan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi soo galeen hoolkii xafladu ka soctay, goobtaas oo ay ku suganyeen dhalinyaro lagasoo uruuriyay Magaalada Burco iyo qaar ku sugnaa Magaalada Hargaysa oo dhammaantood ka soo jeeda degaanka labada Wasiir.

Kooxdan taabacsan Wasiirka Madaxtooyada ayaa ku doodaayay inuu Wasiirka Hawlaha Guud abaabulay kooxo dufaano dagaal siyaasadeed ku qaada Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, taas oo keentay inay abaaraan goobtii kooxdaas ay qoonsadeen ku shiraayeen, muran iyo buuq badan kadib waxay goobtii isu badashay mid khatari ka dhici karto kadib markii uu Baskoolaad la baxay mid kamid ah xubnihii taabacsanaa Wasiirka Madaxtooyada. Intaas kadib waxay maamulka Huteelka Guuleed soo gebo gebayeen Munaasibadii socotay iyagoo Hoolkii shirkana ka dareeriyay xubnaha labadii dhinacba, sidoo kale wararka ay helayso shabakada wararka ee Somalilandtoday.com ayaa sheegayaa inuu Xabsiga ku jiro shakhsigii la baxay Baaskooladu.

Dagaalka labadan Wasiir waxa bar-bilowgiisa laha Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo isagu markii la magacaabayba weeraro hoose oo aan kala joogsi lahayn ku qaaday Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, isagoo u arkaayay inuu fadhiistay booska Wasiirka Madaxtooyada oo uu isku waday Cali Mareexaan, taasi waxay keentay inuu Wasiirka Madaxtooyadu isagoo ku sabaalaynaaya Cali Mareexaan uu ku wareejiyo hay’adda wadooyinka oo hore u hoos u iman jirtay Madaxtooyada, balse taasi waxba kamay badalin dagaalkii Wasiir Cali Mareexaan uu ku waday Maxamuud Xaashi. Geesta kale labada Wasiir waxay si xooga isugu maandhaafsan yihiin Dhulka Garoonka Diyaaradaha Hargaysa, oo la sheegay inuu Wasiirka Madaxtooyadu ogolaansho dhisme Huteel casriya ka siiyay gudaha xayndaabka Garoonka nin ka soo jeeda Koonfurta Hargaysa, arrintaas oo uu qaylo dhaan dheer ka muujiyay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo goob munasibad sherka Fly Dubai qabtay ka sheegay in Garoonkii Hargaysa la baloodhaynaayo.

Si kastaba ha ahaate dagaalka labada Wasiir ee isku degaanka ka soo jeeda ayaa u muuqda mid aan xal lahayn oo hadda faraha ka baxay, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna u muuqda masuul isku soo faynaaya labadan Wasiir oo isku lisaaya, iyadoo Maxamuud Xaashi siweyn u danaynaayo in lagu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE halka Cali Mareexaan kow ka yahay xubnaha damaca Wasiirka Madaxtooyada ee ku aadan Guddoomiyaha KULMIYE dagaalka kula jira.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...