Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee Reer Somaliland ayaa qubadii uu saaka ka jeediyey tukashadii saalada Ciida waxaa uu sheegay in musuq maasuqa Somaliland ka jiraa uu xadhko goostey

Sheekha ayaa sheegay isla markaana uu tusaale u soo qaatey in Iskuulkii kali ahaa ee ay dumar Hargeysa ku nooli ay wax ka dhigan jireen in ay cid gaar ahi iska qaadatey

Dhinca kale sheekh Aadan Siiro ayaa waxaa uu kominshanka  doorashooyinka ugu baaqay in doorashada xiligeedii ku qabtaan  si uu u soo baxo madaxweyne dalkan u taliyaa .

Gabo Gabadii sheekha ayaa carabka ku dhuftey in sicir bararka dalka ka jira ay xukuumada iyo shirkada Dp World ay masuul ka yihiin