Somalia: Meydka Wiil 14 Jir Ahaa Oo Laga Helay Xeebta Magaalada Muqdisho

Wiil da’diisa lagu qiyaasay 14 sano jir ayaa Meydkiisa laga helay xeebta degmada Karaan ee gobolka Banaadir ee Dalka Soomaaliya, kaasi oo loo maleynayo in uu badda ka soo caariday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilkan meydkiisa la helay uu ka mid ahaa dad Jimicii doraad u damaashaad tagay Xeebta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, balse markii danbe la waayay.

Inta badan xilliyada ay baddu kacsan tahay ayaa waxaa dhacda in dadka ku dabaasha inay qaaddo, waxaana dhowr jeer digniin laga soo saaray in dadka ay u dabaal tagaan xeebta xilliyada ay kacsan tahay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii xeebta Liido lagu arkay Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu lagu qiyaasay 18 jir, kaasoo ay badda soo tuftay Meydkiisa

Boqollaal dhalinyaro ah ayaa Jimce walba u damaashaad iyo dalxiis taga xeebaha Muqdisho, laakiin dhalinyaradaas in badan oo ka mid ah waxaa la sheegaa in ayna si wanaagsan u aqoon dabaasha, taasoo keenta in qaarkood ay la tagto badweyntu.

Comments

comments