Somaliland: Wasiir Faratoon Muxu Ka Yidhi Ismaaciil Buubaa Looga Horistaagay Inuu Madaarka Hargeysa Ka Dhoofo

Date:

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay diidmadii Xukuumaddu u diiday in Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka iyo Masuuliyiiinta Xisbiga Waddani, inuu dalka ka dhoofo, waxaanu Wasiirku sheegay in sababta ay u diideen inuu dhoofo ay tahay inuu sito Basaboor Somaliya leedahay

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika talaabadan ay iskaga hor taageen Siyaasi Buubaa inuu Madaarka ka dhoofo wax ka weydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay

“Waa run oo anaga ayaa u diidnay, oo waxa uu doonayey inuu Odaygu ku dhoofo Basaboor diblamaasiya oo ay Somaliya leedahay, horena waa loogu sheegay in aanu mar kale isticmaali karin, waxa kale oo lagu sameeyey iyo wax kale oo Odayga lala daba socdaa ma jirto, Ismaaciil Buubaana waa qof weyn oo wax-garad ah, waana uu og yahay inay u furan tahay in Basaboor Somaliland uu qaato”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay waxay ku kala tageen Ismaaciil Buubaa markii ay u diideen inuu Madaarka ka dhoofo ayaa yidhi “Waxa loo sheegay in aan Basaboorka aan la ogolayn oo aanu mar dambe isticmaali karin, waana laga qaaday Basaboorkii waana la hayaa, isagoo qudha maaha ee cidnaba lama ogola inay Basaboorkan isticmaasho”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Sool ayaa yidhi “Dadka waxaan ugu baaqay nabad iyo xasilooni, anigu imika waxaan jooga oo aan tagay meelihii la isku dilay, ee xasilooni daradu ka dhacday ee Gobolka Sool, gaar ahaan Koonfurta Gobolka Sool, oo aan hadda ku sugan nahay, oo aan dhex maray Tuulooyinkoodii, oo lagu kala baxay, taas oo imika labadii reer ee isku dilayey ay imika iskugu yimaadeen, oo si wanaagsan u nabadeen, oo isku wanaagsan isku dhex fadhiyaan, oo si wanaagsan isku af garteen, una wada joogaan, ee ILLAAHAY Abaartii uu inaga kaxeeyey ee barwaaqu ina siiyey, ee barwaaqada aynu ka faa’iidaysano”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...