Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Heshiis Laga Gaadho Doorashada Iyo Qaddiyada Komishanka Uu Ku Xidhay In Cirro Goob-joog Ahaado

Date:

Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martinez, ee u kala dab qaadayay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka, ayaa wuxuu madaxda mucaaradka ku wargeliyay in heshiis laga gaadho khilaafka doorashada iyo qaddiyada guddiga doorashada uu Madaxweyne Biixi ku xidhay in guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro uu goob-joog ahaado. Cirro ayaa hadda ku maqan safar dalka dibadiisa ah.

Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in ergayga Midowga Yurub ka hor intii aanu ka dhoofin Hargeysa uu Madaxweyne Biixi la yeeshay tiraba laba kulan oo kala duwan halka uu mucaaradkana la yeeshay laba kulan, waxaanu qorshihiisu ahaa inuu isu soo dhaweeyo si xal looga gaadho khilaafka doorashada, isagoo soo diyaariyay shan qodob oo uu u arkay in dhinacyadu ku wada qanci karaan.

Ergayga Midowga Yurub ayaa mucaaradka u sheegay inay Madaxweyne Biixi isla garteen shan qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin qodobadani

  1. In Doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan
  2. In bisha august ee sannadkan la magacaabo guddi doorasho oo cusub
  3. In la magacaabo sagaal xubnood, laakiin haddii uu Baarlamaaku diido doorashada lagu galo 7 xubnood sidii caadiga ahayd.

Qodobadan ayay ogolaadeen madaxda Waddani iyo UCID oo ay kala metelayeen guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde iyo Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha UCID, waxaanu ergayga reer Yurub kula noqday Madaxweyne Biixi, isagoo warqad qabyo ah oo ay qodobadani ku qornaayeen gacanta kaga saxeexay madaxda mucaaradka.

Hase yeeshee ergayga oo Madaxweyne Biixi kula noqday aqbalaada mucaaradka, ayaa wuxuu markii dambe ku soo celiyay madaxda mucaaradka in Madaxweyne Biixi abqlay dhinaciisa soo jeedinta laakiin uu ku taliyay in uu goob-joog noqdo Cabdiraxmaan-cirro oo hadda dalka dibadiisa ku maqan, waxaana la sheegay in guddoomiye Cirro oo lagu wargeliyay arrintan uu sheegay inuu maalmahan dalka dib ugu soo laabanayo.

Ergayga Midowga Yurub ayaa isna sida uu warku sheegay wuxuu balan qaaday in marka uu guddoomiye Cirro dalka ku soo noqdo uu isna ku soo laaban doono Hargeysa si uu u dhammaystiro hawsha dhexdhexaadinta ee uu ka dhex waddo Madaxtooyada iyo mucaaradka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...