War Deg Deg Ah: Askari Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Laascaanood Lagu Dilay Iyo Xaalada Oo Cakiran.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha magaalada Laascaanood lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland

gaar ahaana ciidanka Somaliland u jooga jiida hore ee degmada Taleex oo ku sugnaa magaalada Laascaanood.
Askarigan ka tirsan ciidanka qaranka oo la sheegay inuu ahaa Khasnajiga ciidamada qaranka ee ku sugan Taleex ayaa waxa lagu dilay magaalada Laascaanood gaar ahaan dhinaca lagu magacaabo Ex kaantarool.
Askarigan la dilaya ayaa waxa magaciisa naloogu sheegay Cabdicasiis Aadan Cige, waxaana dilay xalay dabley hubaysan kaas oo dilka askarigan lala xidhiidhinayo arrin Aano ah.
Xogaha aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in dilka askarigan loo xidhxidhay dad, waxaana ay ciidamada Booliska iyo ciidamada Qaranka Somaliland ay ku guda jiraan hawl-gallo ay kusoo qabanayaan dableydan dilka u gaysatay askariga.
Gabagabadiina magaalada Laascaanood ayaa waxay mar kale gashay xaaladd cakiran, waxaana dhammaad ku dhawayd heshiisiinta labada beelood ee Koonfurta gobolka Sool wada dega oo muddo dheer coolaadood soo jiitamaysay, waxaana Laascaanood wakhti xaadirkan ku sugan wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, saraakiisha ciidamada qaranka, salaadiin iyo culimo-awdiin iyagu ku jira xalinta arrintani.

Comments

comments