Waxaa sii korodhey tirada maxabiista ku xidhnaa jeel weyn ee magaalada Burco kuwaas oo u geeriyoodey xanuunka shuban biyoodka oo halkaasi ka dilaacay,

Taliyaha ciidamada Asluubta sareeto Guuto Maxamed Cismaan Xudhuudh oo da daal xoogan u galay sidii uu xanuunkaas u xakameyn lahaa isla markaana maalin iyo habeenba dhex taagan jeelka weyn ee magaalada Burco ayaa sheegay in dhimashadu ilaa hada ay mareyso 6 maxbuus
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Dhakhaatiir si fiican u toobabaran uu Hargeysa ka keenay isla markaana ay ku guuleysteen in ay xakameyaan fiditaankii xanuunka oo 52 maxbuus oo dhakhtarka yaalay ay badankoodii bogsadeen hada oo ay ka baxeen isla markaana ay ku hadheen oo kaliya 12 Maxbuus

Dhinca Taliye Xudhuun ayaa waxaa uu wasaarada Maaliyada ka codsadey in loo sii daayo lacag loogu dhisaayey xabsi weyn oo Burco laga dhisaayey kaas oo hada qabyoobey , isla markaana waxaa uu sheegay in xabigan weyn ee hada ay isticmaalan uu aad cidhiidhi ugu yahay

Comments

comments