Somaliland: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Oo Sheegay Inay Dhalinyaro Badan Dhaqan-xumo Ugu Qabqabteen Hargeysa

Date:

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Ciidammada Ammaanka iyo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ay qabqabteen Dhalinyaro uu sheegay inay Dhaqan-xumo iyo Anshax-xumo ku kacay, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood Maxkamad la hor-geeyey, kuwana ay hadda Gar-sugayaal yihiin.

Badhasaabka Maroodi-jeex waxa uu sheegay inay jiraan Dad badan oo dhaqan-xumo iyo falal Diinta Suubban ee Islaamka lid ku ah ku kacay, hase-yeeshee muu faahfaahin falalkaasi nooca ay yihiin iyo tirada Dadka loo qabqabtay, balse waxa uu xusay inay dhawaan hawlgalladaas ka fuliyeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

“Dhaqan-xumo way jirtaa, taasna Laamaha Amniga, Guddiga Wanaag-farista iyo ka Maamul-gobol ahaanba dagaal baa lagula jiraa, cid kasta oo dhaqan-xumo la timaaddana waxa la marinayaa wixii ay mutaystaan Ciqaab iyo Sharciga ayaa la marinayaa.:” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo shalay Hargeysa ugu warramay Saab TV.

Waxaanu Guddoomiye Buraale oo Hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Way jiraan Dad badan oo loo qabqabtay falal dhaqan-xumo way jiraan, isla markaana qaarkood Maxkamad la horgeeyey iyo kuwo immika Gar-sugayaal ah-ba. Markaa, Cidkasta oo Dhaqan-xumo ku kacaysa waan uga digaynaa, waxaanan farayaa oo aan ku boorrinayaa in la ilaaliyaan Islaamniada, Dhaqanka Suubban iyo Anshaxa wanaagsan ee Diinteennu innoo bannaysay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...