Antoine Griezmann Oo U Muuqda Mid Dagaal Madrid Derby Ah Ka Abuuray Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Antoine Griezmann ayaa diiday inuu meesha ka saaro suuragalnimada ah inuu Real Madrid ku biiro, balse wuxuu ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay Atletico Madrid.

Su’aasha la xiriirta mustaqbalka xidiga reer France ayaa noqotay midda loogu hadal heynta badan yahay kubadda cagta waqtigaan, iyadoo si aad ah loola xiriiriyo kooxda Manchester United.

Si kastaba, kooxda ay La Liga ku xifaaltamaan ee Real Madrid ayaa si layaab leh la sheegay iney u xiiseyneyso 26-jirkaan heerka caalami ka hor kulankii Madrid Derby ee ka dhacay Santiago Bernabeu.

Greizmann oo dhaliyay goolka guusha u diiday Real Madrid ee barbaraha kusoo idleeyay kulankii Madrid Derby ayaa ka dhawaajiyay inuusan meesha ka saari karin ku biiritaankiisa Los Blancos.

“Waxba meesha kama saari karo” Ayuu yiri Antoine, “Balse hadda waxaan ku faraxsanahay Atletico Madrid”

Griezmann kooxo badan ayaa isha ku haya balse madaxweynaha Atletico Madrid Enrico Cerezo uu jeclaan lahaa inuu kusii nagaado kooxda.

Antoine 15-gool ayuu dhaliyay 30-kulan oo uu kasoo muuqday kooxdiisa kulamada La Liga, halka uu dhamaan tartamada oo dhan u dhaliyay 23-gool.

Comments

comments