Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kala Qaybin Doona Wasaarado Iyo Inta Uu Kala Qaybin Doono

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa la sheegay in uu ka baaran dhagaayo qorshe laba wasaaradood lagaga dhigaayo afar wasaaradood, kuwaas oo mid walba laga dhex sameynaayo wasaarad kale .

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah hadan warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweyne Siilanyo uu dhawaan kala jebiyo wasaarada Waxbarashada iyo taclinta sare iyo wasaarada arimaha gudaha .

Sida ay sheegayaan wararka xog ogaal ah ee soo gaadhey wargeyska Geeska Africa wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa laga yaabaa in madaxweynuhu u kala jabiyo laba wasaaradood oo kala ah wasaarada waxbarashada iyo wasaarada tacliinta sare .

Sidoo kale wasaarada arimaha gudaha ayaa la sheegayaa in laga yaabo in madaxweynuhu u kala qeybiyo wasaarada aminiga qarankaiyo wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka dawladaha hoose .

Lama garan karo in madaxweynuhu wasaaradaha la kala qeybinaayo u dayn doono wasiirada hada jooga iyo in uu soo magacaabi doono masuulyiin cusub.

Comments

comments