Somaliland: Askari Madaxa Ka Toogtay Arday Maxbuus ku ahaa Saldhiga Koodbuur ee Magaaladda Hargeisa

Date:

Askari ka tirsan ciidanka booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka toogasho fool-xun ka geystay gudaha saldhigga Ibraahim Koobduur ee magaalada Hargeysa.Askarigan ayaa hiirtii Waaberi ee saaka toogtay isla markaana rasaas xooggan madaxa kala dhacay Wiil yar oo arday ah oo maxbuus ku ahaa saldhiggasi.Ardaygan oo lagu magacaabo Cabdilaahi Dayib Cabdi Korse, ayay rasaastu ka haleeshay Madaxa, Lugaha iyo waliba Gacmaha. Waxaanu haatan ku jiraa xaalad aad u culus.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa dhaawacii ardaygaasi loola cararay waxaana naloo sheegay in markii rasaasta la huwiyey uu ardaygani jiifay mid ka mida qololka xabsiga.

Mar aanu cisbitaalka ku booqanay ayaanu soo aragnay ardaygaasi oo xaalad adag oo miyir-doorsoon ah ku jira isla markaana qaba dhaawacyo culus oo kaga yaalla Madaxa ilaa Mijaha.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta askarigani u toogtay wiilkan, waxaana loo badinayaa in rasaastu ay ka fakatay askariga, mar uu askarigu doonayey in uu kala qabto maxaabiis islaynaysay.

Weli xukuumaddu kama aanay hadal falkan foosha-xun, ilaa haatanna ma jirto cid ka hadashay ama cadaysay sababta rasmiga ah ee askarigani u toogtay maxbuuskan ku jiray gacanta dawladda.

IMG_4825
Cabdilaahi Dayib Cabdi Korse

Wiilkan yar ee ardayga ah oo xaaladdiisu aad u culus tahay ayaa kasoo jeeda qoys danyaro ah, waxaana la  sheegay in loo xabisay shaqaaqo dhalinyaro oo aanu kuba jirin.

Hooyada wiilkan oo lagu magacaabo Ceeg Jaamac ayaa iyada laftarkeeda haatan xaaladdeeda caafimaad ay halis gashay kadib markii ay aragtay dhaawacyada argagaxa leh ee wiilkeeda gaadhay.

Ceeg Jaamac oo cisbitaalka gudihiisa aanu kula kulanay ayaa noo xaqiijisay dhacdadan iyo qaabka naxariista daran ee rasaasta loogu shaandheeyey wiilkeeda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa maalmo yar kadib markii ciidamada boolisku ay wiil aad u da’yar si toos ah ugu toogteen isla magaaladan Hargeysa. Waxaana haatan aad loo hadal-hayaa dilalka oo kusoo badanayaa dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...