Somaliland Oo Siidaysay Maxaabiis Budhcad-badeednimo Hargeysa Ugu Xidhnaa Tan 2012-kii

Date:

Xukuumadda Somaliland, ayaa sii daysay Maxaabiis Kiisas Budhacad-badeednimo ah muddo u xidhnaa, ka dib markii ay dhammaysteen waqtigii Xukunkoodu ku ekaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in toddoba Maxbuus oo Budhcad-badeednimo u xidhnaa oo dhammaystay muddadii Xukunkooda la siidaayey,isla markaana dib loogu celiyey deegaannadii ay ka soo jeedeen.

Maxaabiistan, ayuu Wasiirka Cadaaladda Somalialnd sheegay in dhaqan-celin la siiyey, isla markaaana waxbarasho ku dhex-qaateen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaana hore Maxaabiistan Somaliland ugu soo wareejiyey Maxkamadda sare ee Seychelles ka dib markii Maxaabiista loo soo bandhigay Xabsiga ay ku dhammaysan karaan Xukunkooda, iyaga oo ay dammaanad-qaadday Qaramada Midoobay Quudintooda.

Maxaabiistan waxa magaalada Hargeysa lagu soo wareejiyey December 2012, waxaanu Wasiir Cadarre sheegay inay dhammaysteen xukunkooddii tobanka sano ahaa ee wakhtigaasi lagu xukumay, waxaanay u kala dhasheen maamulka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Somaliland iyo Seychelles, iyagoo ahmiyadda sinaaya horumarinta hannaanka kala-wareejinta Maxaabiista, si loo dhiirrigeliyo dhaqan-celinta Maxaabiista xukumay, iyagoo fursad loo siinaayo in ay Xukunkooda ku dhammaystaan dalalkooda ama dal dhaqan ahaan iyo Diin ahaan ay fahmayaan, ayaa ujeeddadan darteed ay is-afgarad u wada galeen labada dawladood 2011 si loo soo wareejiyo Maxaabiista Budhcad-badeedda Soomaalida ah, xukunkooda inta hadhayna ugu qataan Xabsiga Hargeysa.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeed uu arrintaa Maxaabiista kaga hadlay oo uu shalay soo saaray Wasiirka Cadaaladda Somalialnd Axmed Faarax Cadarre.

Waxaanu Wasiir Cadarre War-Saxaafadeedkaas oo sii socday uu ku yidhi; “Sidaa darteed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu waxa uu amray sii daynta 7 Maxbuus oo xukunkooda ku dhammaystay Xabsiga Hargeysa. Maxbuus kasta wuxuu ku xukunnaa 10 sannadood oo xadhig ah, waxaana xukuntay Maxkamadda Sare ee Seychelles, iyadoo Hargeysa loo soo wareejiyey December 2012.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...