Somaliland: Dawladda Ingiriiska oo Caddeysay inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka, Kuna Ammaantay Guulaha ay Gaadhay

Date:

Xildhibaan Stephen Doughty oo Su’aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka ka hor Weydiiyey Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah
Wasiirul-dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr.Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatayGuullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyeyinay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaankaUK , ooXildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doortoKoonfurta Cardiff uuwax waydiiday inayDawladda UK Somaliland kala shaqeynaysoSaameyntaisbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashadasoo socota ee Baarlamaankaiyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr.Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegayinayku taallo bad ay dhibaatooyin badani kajiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyanaku tilmaamay mid aytaagan tahay xaalad adagi.

Mr.Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashadasoo socota ee Baarlamaanka Somaliland.

“Nasiib wanaagwaxaanla kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland,madaxweynahahadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doonoxildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobadaSomaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...