Wefti uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating oo booqasho ku yimi Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha wax-u-qabashada Dadka Abaaruhu ku saameeyeen dalka, arrimaha doorashooyinka, horumarka iyo qodobbo la xidhiidha Siyaasadda.
Kulankaas oo ay Warbaahintu dibed-joog ka ahayd, markii uu soo dhammaaday, waxaa Warbaahinta wada-jir ugula hadlay xarunta Madaxtooyada Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shirre iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen iyo kormeer ay ku tageen meelaha Dadka Abaaruhu barakiciyeen ku sugan yihiin ee gobolkan Maroodi-jeex.
Ugu horreyn Wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire oo ka warramaya ujeeddada socdaalka Weftigan Qaramada Midoobay ka socdaa Somaliland u yimaaddeen iyo waxyaabaha ay ka wahadleen, waxa uu yidhi; “Ujeedooyinkiisa ugu mudan waxay ahayeen, inay xog-ogaal u noqdaan ama u kuurgalaan xaaladda Abaaraha iyo Dadka ku tabaaloobay Abaaraha. Shalayna (dorraad) waxay soo booqeen oo ay soo arkeen meelo Dadka wax loogu qabto ama lagu xannaaneeyo Xagga Caafimaadka, Biyo iyo Cuntanna lagu siiyo. Waxa kale oo ay Madaxweynaha ka wadahadleen sidii aynu u xoojin lahayn Cilaaqaadka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Qaramadda Midoobay. Waxaannu ka wadahadalay arrimo la xidhiidha horumarka, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac.”
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Michael Keating oo isaguna geestiisa ka hadlay Safarkan uu Hargeysa ku yimi oo uu ku sheegay inuu yahay kii sii labaad iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen dawladda Somaliland, waxa uu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in aan ku soo laabto Somaliland iyo Hargeysa. Inkasta oo imaanshahayaga ay sababtay Abaarta saamaysay Dad badan oo ku nool Somaliland, sidaa darteed sababaha ugu waawayn ee aan u yimi waxa ka mid ah in aannu la kulanno dawladda, Ururrada Bulshada iyo Laamaha Qaramada midoobay ee Somaliland qaabbilsan, isla markaana aanu kala hadalno jawaabtii laga bixin lahaa Abaarta sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashi ku saabsan xaaladan iyo in aynu samayno wax kasta oo suuragal ah.”
“Isla markaana, loo helo ilo laga heli karo taakulayn iyo dhaqaale cayiman oo lagu caawinayo Dadka Abaartu saamaysay. Sidoo kale dawladda waxaannu ka wadahadalnay sidii loo diyaarin lahaa qorshe ka soo kabasho ah, maxaa yeelay? Dadka Somaliland iskood ugama soo kaban karaan waxyeellada gaadhay ee Abaarta.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Michael Keating.
Keating oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay; “Markaa, waxaannu ka waddahadalnay Xukuumadda sidii Qaramadda Midoobay hawsha dib u soo kabashadda Dadka reer Somaliland ee Abaartu wax yeeshay. Sidoo kale waxaannu ka wadahadalnay kaalinta Qaramada Midoobay ka qaadato guud ahaan arrimaha Somaliland. Sidaa darteed, aad baan ugu faraxsannahay in aan soo laabto, waxaan ku sii soconayaa sidii aan u labanlaabi lahaa dareenka aannu ka qabno xaaladda soo foodsaartay dadka Somaliland gaar ahaan Carruurta iyo Habeenka. Waxaannu rejaynaynaa in aynu arki doonno ficillo badan oo lagaga jawaabayo baahiyahaas oo dhan.”