Somaliland: Sagaal Qof Oo Xannuunka Shuban-biyoodka Ugu Dhintay Gobolka Buuhoodle

“48 Sacadood Ee U Danbeeyey 9 Qof Ayaan U Dhintay Shuban-biyoodka” Wasiiru dawlaha wasaaradda Caafimaadka

48 sacadood ee u danbeeyey Sagaal qof ayaa u geeriyooday Xannuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay gobolka buhoodle ee bariga Somaliland, waxa uu Sidaa Warbaahinta Hormoodnews u xaqiijiyey Dr Maxamed Cabdi Faarax (Qudus)

Dadka shuban biyoodka u dhintay waxa ay isku jiraan lix qof oo dad waa weyn ah iyo saddex qof oo caruur ah , waxaana u jiifa cisbitaalada dad ka badan soddon qof guud ahaan degmada buhoodle “ shubanku waxa uu socday todobaad waxaa uu bilaabmay axadii hore , dhimashada ilaa hadda dadku waxa ay sheegay 13 qof balse anaga waxaa noo diwaan gashan sagaal qof oo lix yihiin dad waaweyn saddexna caruur, dadka Cisbitaalada lasoo jiifiyey waa soddon qof maanta dad uu soo ritayna waa jiraa “ ayuu yidhi

Dr Qudus ayaa ka hadlay goobaha lagu dabibaayo dadka u soo ritay xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay gobolka buhoodle waxaan uu yidhi:

“meelaha dadka loogu shaqaynayaa waa MCHyada , waxaa kaalin fiican ka qaatay cisbitaalka Buhoodle Health Center oo dadka inta badal lagula tacalaayo “

Dr Maxamed Cabdi Faarax ayaan waydinay in ay jiraa wax gacan qabasho ah oo ay ka heleen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Ha’ayaddaha ka shaqeeya Caafimaadka waxaana uu kaga jawaabay “Waxaanu gacan qabasho ka helay Ururka Somali Aid Soceity oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hoos taga waxaana gacan dhaqaale siisa hay’adda UNCEF, Wasaaradda Caafimaadka xaalada waan gaadhsiinay oo gurmad degdeg ah ayaan ka sugaynaaa”

Dr Maxamed Cabdi Faarax ayaa sheegay in xanuunka uu gobolka kasoo galay dhinaca xuduud uu gobolku la wadaago ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo roob ka da’ay degaanka xilli ay jirto abaar adag waxaana uu u yidhi “waxa uu ka dilaacay oo kasoo faafay dhinaca xuduuda aynu la wadaagno dalka itoobiya , dadka inta ugu badan waa dad debadda kaga yimid buhoodle , Cisbitaalada dadka jiifna waa dad waaweyn waxaan u sababay xaalada abareed iyo roob yar oo maalin ka da’ay magaalada”

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka marakacday in sagaal qof xanuunka shuban biyoodka ugu naf waayen gobolka buhoodle sideed iyo afartankii sacadood ee u danbeeyey.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamuud Aadan Jaamac ayaa xaqjiiyey in uu ka jira degaanka buhoodle xannuunka shuban biyoodka Waxaana uu yidhi “48 sacadood ee u danbeeyey sagaal qof ayaan u dhintay waana wax had iyo goor marka abaaruhu si balaadhan dhaca oo ay keento nafaqo darro iyo awood darro

Comments

comments