Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwad Uu Xisbiga Ka Gudbiyey Xildhibaano KULMIYE

Prof. Aden Haji Ali Ahmed, Somaliland Chief Justice while addressing the forum during the opening ceremony of the conference

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay amar ka soo saartey dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gudbiyey oo ku saabsaneed xildhibaano ka soo baxay UCID oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye.

Maxkamada sare ayaa waxaa ay qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ku war galisay ama ay amartey in kiiska dacwadan ka garnaqidiisa ay xaq u leeyihiin gudida diwaangalinta iyo kala saarida ururada siyaasiga ah isla markaana ay halkaasi u gudbiyaan.

Qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ayaa waxaa ay isla saaka ba u gudbiyeen dacwadoodii gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah oo ay maxkamadu amartey in loo gudbiyo

Gudida kala saarida ururada siyaasiga ah oo warbaahinta la hadley waxaa ay sheegen in markii hore ba xisbiga UCID dacwad la ambadey isla markaana ay iyagu xaq u leeyihiin in ay ka garnaqaan.

Comments

comments