Somaliland: Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Lagu Eedeeyey Inuu Dhul Ka Qaadayo Qoyska Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Iyo Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Madaxwaynaha Baaq U Diray

“Haddii Cali Mareexaan Fulin Waayay Go’aankii Madaxwayanah Anaguna Kiisa Fulin Mayno, Isaga Ayaa Meesha Dhul Ka Rabee” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Wasiirka Hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa lagu eedeeyey inuu dhul ka qaadayo dad muwaadiniin ah, sidoo kalena wasiirka ayaa lagu eedeeyey inuu wado hawlgalo uu iskaga horkeenayo qaar ka mid ah beelaha Somaliland.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu wehelinayo Abwaanka wayn ee Axmed Saleebaan Bidde ayaa wasiir Cali Mareexaan ku eedeeyey inuu soo diiday in la seeso beerta Saleebaan Bidde oo Madaxwaynaha Somaliland u saxiixay, waxaana ay sheegeen inay arrintaasi ku qotonto hunguri wasiirka dhulka ka galay iyagoo sheegay inay arrintaasi keeni doonto isku dhac beeleed, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo arrimahaas ka hadlaya ayaa ugu horayn waxa uu yidhi:

“Madaxwayne halkaasi (warqadan) waxa ku qoran go’an aad saxeexday adigu oo ka hadlaya beertii ilma Saleebaan Bidde , beertii halkii la jeexi lahaa ayaa la soo galiyey ciidan leh ma jeexi kartaan, waxaana waxa sameeyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo na hor taagaan, waxaana uu rabaa madaarka inuu qas ka dhaco beelaha Hargeysa deganina ay iskaga hor yimaadaan, anigu waxaan ku talinayaa wasiiradii arrintan galay way saxeexeen laakiin waxa arrintan cusub keenay wasiirkii hawlaha guud, wasiirkii ka horeeyey Cabdirisaq Khaliif qoraalkiisii ayaa lagu dhaqmay ninka maanta bedelayaana waa Cali Mareexaan, isaga ayaa meesha dhul ka raba anigu wax kale ku odhan maayee mar haddii go’aankaagii la fulin waayay, anaguna fulin mayno go’aanka Cali Mareexaan oo dooni mayno inuu Somaliland qas ka dhaco iyadoo nalagu kalifo mooyee markaa Madaxwayne waxaa ku leeyahay arrinkaas waa inaad si deg-deg ah wax uga qabataa madaarkuna wuu xidhmi doonaa Hargeysana wax baas ayaa ka dhici doona anaguna wali waxaanu ku taaganahay amarkaagii iyo go’aankaagii”.

Sidoo kale Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayaa Madaxwaynaha ugu baaqay inuu wasiirkaas ka dawo mariyo isla markaana uu arrinkasi si deg-deg ah wax uga qabto “Jananka Ciidanka ee Nuux Taani warqadbaa la siiyey leh qoladaas beertoodii waa loo daayay sharcigoodiina waa kaas ee sidaas ula soco, ninka Cali Mareexaan waxaa la siiyey warqadii uu Madaxwaynuhu saxeexay, ee guddigii hore saxeexay ee dacwaddii ku soo dhamaatay, oo ah beertaas ilma Saleebaan Bidde taarka wixii ka soo hadhay waa dhulkoodiiye hala siiyo, wixiiba markay soo dhamaadeen Cali Mareexaan oo ah wasiirka hawlaha guud ayaa sharcigii Madaxwaynaha, kii calanka iyo xaqayagiiba nagala talaabay oo diiday inuu beertaydii noo jeexo oo uu yidhi askar gala aynu hujuune, hujuunkasina waa war hunguri sida aanu anagu u haysano, Madaxwaynaha magaciisa iyo minjihiisaba alle ha raajee waa inuu dadkan uu wasiirrada moodayo ee hawlaha kale wata inuu naga qabtaa haddii kale madaarka wixii ka dhaca anagu shaqo kuma lahin”. ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka tirsan qoyska beertan lagu haysto.

Comments

comments