Xidiga Khadka Dhexe Chelsea Cesc Fabregas ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee aan British aheyn kaas oo 100 Caawinaad ah ka sameeya horyaalka Ingiriiska kadib markii uu caawiye ka noqday laba ka mid ah goolasha ay Chelsea guusha kaga heshay Stoke City.
Sidoo kale Fabregas wuxuu noqday ciyaariyahankii kulamada ugu yar ku sameeyay 100-caawinaad taariikhda EPL-ka isagoo rikoorkaas ku garaacay Lampard, Giggs iyo Wayne Rooney.
293 kulan ayey ku qaadatay Cesc Fabregas inuu 100-caawinaad ah ku sameeyo halka Giggs ay ku qaadatay inuu intaas ku sameeyo 367-kulan, hana ka reebin in Rooney uu isna ku sameeyay tiradaas caawin ah 445-kulan.
Dhanka kale Fabregas inuu noqdo ciyaariyahanka ugu caawinta badan horyaalka Ingiriiska wado dheer ayaa ka xigta madama uu wax badan ka sareeyo Ryan Giggs oo heysta caawinaadda guud ee horyaalka kaas oo sameeyay 162-caawinaad.
Fabregas waxa ugu weyn oo uu sameyn karo waxa ay tahay inuu dhaafo Wayne Rooney kaas oo haatan hal kaliya ka sareeya sidoo kalana wuxuu laba ka hooseeyaa Frank Lampard.