Kadib Kulankiisii Koowaad Ee Arsenal, Maxaa Lagu Qimeeyay Qaab Ciyaareedkii Saxiixa Cusub Ee Gunners Mohamed Elneny ?

Date:

Uma aysan aheyn habeen uu koob weyn ku guuleystay, mana uusan aheyn habeenkii uu jabin lahaa rikoorkii geesinimada ee Patrick Viera, laakin wuxuu Mohamed Elneny xalay muujiyay inuu hayo wax badna uu ku soo kordhiyo kubada ingiriiska.

Saxiixaan ku kacay £5 milyan oo pound kaliya kana yimid dhanka kooxda Basle ayaa kulankiisii ugu horeeyay u safanayay Gunners kulankii ay 2-1 FA Cup wareegiisa afaraad kaga gudbeen Burnley wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed ku filan qiimeyn in lagu sameeyo, wuxuuna noo cadeeyay in Wenger uusan u baahaneyn in saxiix kale uu sameeya gaar ahaan khadka dhexe.

Haa wali waa 23 sano jir, malaha awood jireed oo Premier league looga baahan yahay, xalayna ma uusan aheyn nin aan la qaban karin, mana uusan aheyn xidigii garoonka, laakin il dheer, baasas fiican, orod uu ku gaarayay labada dhinac ee goosha iyo wuxuu la soo baxay kubada laga shuudo meel dheer waxana daliil u ah taasi markii uu daqiiqadii 63aad ee ciyaarta uu 25 yaardi meel shabaqa u jirta kasoo toogtay laakin goolhaye Heaton ayaa nasiib wanaag kubadii toos ugu tagtay.

se

Wuxuu si fiican fahan ula sameynayay Francis Coquelin oo kulankiisii ugu horeeyay kasoo dhex muuqday shaxda koxoda tan iyo bishii November ee sanadii hore waxaana labada nin ka muuqatay is fahan iyo dhiiranaan fiica, waad taqaanaa awooda Coquelin halkaana kagama hadleyno ninka ree France laakin saaxiibkiisa khadka dhexe ayaa watay tamar dheeraad ah uu ku soo salaamayay dhincyada Emirates Stadium ee London ku yaala, wuxuu lahaa rabitaan uu kubada ku eryanayo, waxaa ka muuqday hami inuu indhaha mucaashaqiinta Gunners qabsado ah, waxaan ka dheehanay ineysan ka muuqan cabsi, xitaa hadii uu taakal qaldo kama aysan muuqan ceeb ee wuxuu sii raadinayay tan xigta taas ayaana siisay Wenger dhiironaan dheeri ah.

Wuxuu dhowr jeer isku dayay inuu kasoo baxo khadka dhexe uu caawinaad siiyo weeraka, waxaana uu dhamaadkii qeybtii hore ku lug lahaa kubad fiican oo ay is dhaafsadeen Alex Oxlade-Chamberlain oo ay Arsenal ugu sigatay iney hogaanka u qabato ciyaarta markeedii labaad.

30 kii daqiqo oo hore waxaa layaab ku noqday orodka, xooga jir ahaaneed iyo tamarta la isugu faanayo ciyaaraha dalka ingiriiska laakin ugu danbeyn dhincisaa ayuu kala qabsaday waxaana muuqatay inuu cashar ku filan ka qaatay kulankan.

Si kasto Elneny ayaana hubin booskiisa kowaad ee kooxda maadaama ay Aaron Ramsey iyo Francis Coquelin taam yihiin walina ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay inuu ka barto kubada ingiriiska, hadana waxaa muuqatay inuu Arsenal u yeelan doono mustaqbal ifiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...