Tababare Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay iney cadaalad ka dhacday garoonka Old Trafford markii ay wiilashiisa dhamaadkii ciyaarta kala direen Middlesbrough kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.
Laba gool oo ka kala timid Anthony Martial iyo Paul Pogba ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday goolkii caaqibada lahaa oo uu ku daah furay ciyaarta Grant Leadbitter, waxeyna United u aheyd guushii shanaad oo xiriir ah balse ogow ineysan wali ka gudbin booskii lixaad.
Zlatan Ibrahimovic gool uu ku daah furay ciyaarta ayaa la kansalay iyadoo garsoore Lee Mason uu tilmaamay inuu xidiga reer Sweden qalad ku galay Valdes, Jose ayaana qiray in wiilashiisa ay si fiican u ciyaareen una qalmeen guusha ay heleen.
“Haa cadaalad ayaa dhacday, waan ka xumahay waxa ku dhacay iyaga, sababtoo ah [Aitor Karanka] waa walaalkey, sidoo kalana waxey sameeyeen wax walba waana xanuun inaad gabgabada lumiso”
“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waxaan abuurnay wax badan, waxaan dhalinay sadex gool, waan u qalanay inaan guuleysano ciyaarta, sidaas darteed kuma fakarin inaan aad u nasiib badanahay, kaliya cadaalad ayaa dhacday daqiiqadii 86-aad. sida daacadda ah waxaan qabaa anigoo la midyesan Sir Alex Ferguson iney natiijada noqon laheyd 3-1”