Jilaaga Filimada Hindiga Ee Gacmadheere Oo Aragtidiisa Koobka Adduunka Ee Wareegga Quarter Finalka Ku Cabbiray Xaqiiqooyin Gaara

Date:

Halyeeyga Bollywoodka Amitabh Bachchan oo ay dadka Filimada Hindiga ah daawada ee reer Somaliland u yaqaanaan Gacma dheere ayaa xaqiiqo cajiib leh kasoo qoray koobka Adduunka, waa mid ka mid ah dadka ugu weyn ee lagu tixgeliyo aflaanta Hindiga kaas oo sidoo kale aad xiiso ugu haya kubadda cagta.

Amitabh Bachchan oo ilaa iyo hadda aan ka faaruqin inuu aflaanta sameeyo sidoo kalana aad loo jeclaa todobaatameyadii ayaa markaan si weyn ula socda dhacdada ugu weyn kubadda cagta ee sida xiisaha leh uga soconeysa Russia.

Big Bachchan wuxuu inyar siiyay fakarkiisa xarfaha ay ka kooban yahiin wadamada sideeda ah ee isugu soo haray koobka Adduunka iyo sida ay isugu aadeen, si la mid ah waqtiyada la ciyaari doono wareega afar dhamaadka.

Wuxuu bartiisa twitter-ka kusoo qoray qoraalka sare ee muujinaya sida ay sideeda wadan ee isku beegmay quarter finalka ay u yahiin kaliya (6 iyo 7 xarfood) waddamo ka kooban.

Kulanka Uruguay iyo France ee maanta lagu balansan yahay wuxuu dhexmari doonaa waddamo dhiganka xarfahooda luqadda qalaad ay tahay (France – 6) (Uruguay = 7) si la mid ah wadamada kale waa la mid.

(Brazil = 6 vs Belgium = 7) (Russia = 6 vs Croatia = 7) (Sweden = 6 vs England =7), sidoo kalana wuxuu ku xariiqay meesha in maalmaha 6-da iyo 7-da July la ciyaari doono wareega quarter final-ka isla markaana ay tahay xaqiiqo cajiib ah.

Big Bacchan wuxuu qeybta hore qoraalkiisa kusoo qoray inuu xaqiiqadaan kasoo min-guuriyay Girish Kumar oo ah shaqsi isna u dhashay India isla markaana taageero weyn u ah Mr. Amitabh. Gacma dheere waa ninka loogu jecel yahay jilayaasha filimada Hindiga ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...